Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaalo la helay markab nooca saliidda

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa gantaalo ku garaacay markab nooca saliidda qaada ah oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in gantaalada lidka maraakiibta ay la beegsadeen markabka booyadda saliidda ee POLLUX.

Afhayeenka ayaa sheegay in habeenkii Khamiista ay gantaaladooda haleeleen markabkaasi, oo marayay sida uu yiri Gacanka Cadmeed.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa xaqiijisay in markabka uu burbur soo gaaray, balse ay badqabaan shaqaalihii la socday.

Markabkan oo watay Calanka Panama ayaa ku sii jeeday dalka India, sida ay Jimcihii xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in gantaal laga soo tuuray dalka Yemen uu ku dhacay markabkaasi, oo sida ay sheegtay marayay Badda Cas.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weeraradooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa muddooyinkii ugu dambeysay weerarayay maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib markii ciidamadooda ay bilaabeen inay duqaymo ka gaystaan dalka Yemen.

Hoggaanka Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii December ku dhawaaqay in ay bartilmaameed yihiin maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo isku dayaya in ay qaadaan go'doominta lagu hayo Dekedaha Israel ayaa bishii January bilaabay inay weeraro xagga cirka ah ka gaystaan dhulka ay maamulaan Xuuthiyiinta, si ay u joojiyaan gantaalada ay soo ridayaan xoogagooda, ha yeeshee tani ayaa keentay in Xuuthiyiinta ay ballaariyaan weeraradooda.

Duqaymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen oo uga sii dartay xiisadda Badda Cas ayaa inta badan shirkadaha waaweyn maraakiibta ee Ingiriiska iyo Mareykanka ku riixday in ay ka weecdaan isticmaalka marin biyoodkaasi muhiimka ah.