Xoogaga Xuuthiyiinta oo weeraray markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay

Xuuthiyiinta Yemen ayaa maanta sheegay in ay Badda Cas ku weerareen markab nooca dagaalka ah, oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka.

Bayaan ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Badda Yemen ay dhowr gantaal ku weerareen markabka dagaal ee USS Gravely, xilli uu ku sugnaa Badda Cas.

“Ciidanka Badda Yemen oo kaashanaya Allah (SWT) ayaa dhowr gantaal ku garaacay markabka Mareykanka ee USS Gravely, oo ku sugnaa Badda Cas." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Xuuthiyiintu ma sheegin wax khasaare ah oo weerarka uu gaystay, balse waxay ku hanjabeen inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka iyo kuwa rayidka ah ee laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Bayaanka ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa yimid saacado ka dib, markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka uu sheegay in USS Gravely uu burburiyay gantaal nooca lidka maraakiibta ah, oo Xuuthiyiinta ay ka soo rideen dhinaca Yemen.

"Xuthiyiinta oo ay Iran taageerto ayaa hal gantaal oo nooca lidka maraakiibta ah ka soo riday dhulka ay maamulaan ee Yemen, kaas oo ku jiheysnaa Badda Cas. Gantaalka waxaa soo riday USS Gravely." Ayaa lagu sheegay war uu soo saaray Taliska Dhexe.

Warka ayaa lagu yiri "Ma jiraan wax dhaawac ah oo soo gaaray askarta amaba burbur ku yimid markabka."

Xuuthiyiinta ayaa dhawaan sidaan oo kale u weeraray markabka dagaal ee laga leeyahay Mareykanka ee USS Dwight D Eisenhower, kaas oo ah nooca waaweyn ee diyaaradaha xambaara, mana jirin wax waxyeelo ah oo xilligaasi ka soo gaartay Ciidamada Mareykanka iyo markabka midna, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee loo yaqaano CENTCOM.

Weerarkan ugu dambeeyay ee lagu qaaday Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa noqonaya kii 30aad ee lagu qaado maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka, tan iyo 19-kii bishii November, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa markii hore ku koobnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, balse markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay duqaymo wadajir ah ka bilaabeen dalka Yemen ayay Xuuthiyiinta ku dhawaaqeen bartilmaameed sharci ah, oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka ee dalalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay yihiin kuwo ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta, isla-markaana ay uga horjeedaan duulaanka ay Israel, tan iyo bishii October ku hayso Gaza.

Hawlgalada Xuuthiyiinta ee marinada badda iyo duqaymaha ay kaga jawaabayaan xulafada Mareykanka ayaa qalqal weyn ku keenay maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isaga kala gudbeysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee adeegsada marinka Bab al-Mandeb.

Xiisaddan ayaa qaar badan oo ka mid ah shirkadaha maraakiibta ganacsiga ku riixday in ay ka fogaadaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, una wareegaan dhankaas iyo Koonfur Afrika.

Badda Cas ayaa waxaa ka gudba qiyaastii boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga badaha caalamka.