Xuuthiyiinta oo sheegay in dagaal waqti dheer ay la geli doonaan Mareykanka iyo Ingiriiska

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in dagaal waqti dheer ah ay la geli doonaan Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska, haddii ay sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka Yemen.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bishan bilaabay in ay bartilmaameedyo ka gaystaan goobaha ay maamulaan Xuuthiyiinta Yemen, si looga jawaabayo weeraradooda Badda Cas, ee ay ku go'doominayaan Dekedaha Israel.

Wasiirka Difaaca Xuuthiyiinta, Mohamed Al-Atifi ayaa ka digay iska horimaad waqti dheer ah, oo ay ku wajahaan xulafada Mareykanka ee ku sugan Badda Cas.

"Waxaan diyaar u nahay iska horimaad waqti dheer ah oo aan la galno ciidamada cadowga ah." Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay bayaan uu Talaadadii soo saaray.

Wasiirka ayaa sheegaya in ay u diyaargaroobeen dagaalka muddada dheer, taasna aanu wax shaki ah ka jirin in Xuuthiyiinta ay awooddeeda leeyihiin.

"Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwa la shaqeeya waa in ay ogaadaan awoodda go'aanka Yemen ee madaxbannaanida iyo in aysan jirin wax dood ama khilaaf ah oo ku saabsan." Ayuu yiri Wasiirku.

Xuuthiyiinta ayaa sheegaya inaysan xulafada Mareykanka awood u lahayn in maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku socda dekedaheeda ay ka gudbaan marin biyoodka Badda Cas, inta ay Israel sii waddo gardaradeeda bay yiraahdeen Gaza.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa maalmahaanba Badda Cas ka gaysanayay weeraro ay ku sheegeen in ay kaga aargudanayaan Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib duqaymahooda Yemen.

Washington iyo London ayaa Xuuthiyiinta ku eedeeyay in ay carqaladeynayaan isu socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa Sabtidii gantaal la helay markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ingiriiska. Markabka Marlin Luanda ayaa lagu bartilmaameedsaday Badda Cas.

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa wax aan loo dulqaadan karin ku tilmaamay weerarada ka imaanaya dhanka Xuuthiyiinta, isagoona carabka ku adkeeyay in London uu waajib ka saaran yahay ilaalinta buu yiri xorriyadda socdaalka ee Badda Cas.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa dhawaan sheegay inaysan iyagu khuseynin hanjabaadaha ka soo yeeraya isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka. Hoggaamiyaha ayaa sheegay in weeraradooda ay istaagi doonaan, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Gaza iyo go'doominta ay muddada dheer ku hayso.

Weerarada reer galbeedka ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta ayaa kaga sii dartay xiisadda muddooyinkanba ka jirtay Badda Cas.