115 qof oo shacab ah oo lagu dilay Marinka Gaza
Israel ayaa xoojineysa duqaymaheeda aan kala joogsiga lahayn ee Marinka Gaza, iyadoo weeraradeeda iyo xanibaadeeda gargaarka ay dhibane u noqdeen in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiinta reer Gaza ah.
In ka badan 115 qof oo Falastiiniyiin ah, una badan haween iyo carruur ayaa la dilay, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay mowjado weeraro ah ka gaysteen qaybaha Marinka Gaza.
Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay duqaymo dhanka cirka ah oo Ciidamada Israel ay saqdii dhexe ee xalay ka gaysteen xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala nawaaxiga deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in toban weerar oo cirka ah ay Israel ka gaysatay Khan Yunis, taas oo keentay inay dhintaan dad fara-badan, kuwo kalena ay dhaawacmaan.
Waddooyinka Khan Yunis ayaa waxaa saakay isugu soo baxay qoysas murageysan, ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in Israel ay halkaasi ka gaysatay duqaymihii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo 18-kii bishii March oo ay dib u soo cusbooneysiisay weeraradii Gaza, ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.
Dhaawacyada dadka rayidka ah ayaa buux-dhaafiyay Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis, ayna sidoo kale buux sameen qaybta meydadka.
Xaaladda ciriiriga ah ee ka jirta isbitaalkan ayaa ugu wacan, ka dib markii uu istaagay adeeggii uu bixinayay Isbitaalka European ee Khan Yunis, kaas oo Israel ay duqaysay Talaadadii iyo Arbacadii.
Ciidanka Cirka Israel ayaa sidoo kale duqayn xoogan ka gaystay deegaanada dhaca waqooyiga Marinka Gaza, iyagoona dilay tobanaan qof oo dad rayid ah. Dadka ugu badan ayaa ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay xerada qaxootiga Jabalia ee halkaasi ku taala.
Dhakhaatiirka ka hawlgasha Gaza ayaa sheegay in Israel ay si isku mid ah u garaacday koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay sare u qaadday tirada dhimashada ee shacabka.
Shaqaalaha Hay'adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa Khamiistan oo keliya diiwaangeliyay dhimashada 115 qof, kuwaas oo ay sheegeen inay u badan yihiin hooyooyin iyo dhallaan, waana mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa ee ay la dadka Gaza la kulmaan, waxaana jira dad la la'yahay oo la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaashii la duqeeyay.
Militariga Israel ayaan wax war ah ka soo saarin weeraradan ugu dambeeyay ee dhimashada badan sababay ee ay ku bartilmaameedsadeen goobaha uu rayidku ku badan yahay.
Dhanka kale Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda UNICEF, Catherine Russell ayaa walaac xoogan ka muujisay, sida Israel ay Gaza ugu bedeshay xabaal dadka lagu aaso.
Catherine Russell ayaa maanta sheegtay in 50 carruur ah ay ku dhinteen duqaymaha Israel, labadii maalmood ee u dambeysay.
Catherine Russell ayaa beegsiga Israel ee carruurta ku tilmaamtay wax aad looga argagaxo, iyadoo haddana aysan jirin cid wax ka qabaneysa.
"Ma jirto meel ammaan u ah carruurta Gaza. Argagaxani waa in la joojiyaa." Ayay tiri Catherine Russell oo warkan ku sheegtay qoraal ay soo saartay.
Haweeneydan ayaa ka digtay xaaladda bani'aadantinimada ee sii xumaaneysa ee ka jirta Marinka Gaza, iyadoona sheegtay in ka badan hal milyan oo carruur ah ay halis ugu jiraan macluul.
"In ka badan hal milyan oo carruur ah oo ku nool Gaza ayaa halis ugu jira macluul. Ma haystaan cunto, biyo iyo dawo." Ayay tiri Catherine Russell oo intaasi ku dartay "Dhammaan dhinacyada waa inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada."
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in ciidamadu uu ku amray in la kordhiyo weerarada militari ee Gaza, xilli Madaxweyne Donald Trump uu soo booqday Bariga Dhexe.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ka shaqeynaya wada-xaajood la xiriira xabad joojin cusub oo laga sameeyo Marinka Gaza iyo in la gaaro heshiis ay maxaabiista isku dhaafsanayaan Xamaas iyo Israel.