Baarlamaanka Spain oo ka doodaya hindise sharciyeed ka dhan ah Israel

Guddoonka Baarlamaanka Spain ayaa Talaadadii guddoomay hindise sharciyeed mamnuucaya in hubka laga iibiyo Israel, oo ay u soo gudbisay dowladda dalkaasi.

Guddoonka ayaa lagu wadaa in hindise sharciyeedkan ay horgeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay uga doodaan, ka dibna ay cod ugu qaadaan.

Warbaahinta Spain ayaa sheegeysa in Guddoonka Baarlamaanka ay go'aansadeen in si degdeg ah loo bilaabo doodda iyo ansixinta hindise sharciyeedka cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah Israel.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah inaysan jirin cid mucaaraday maba illaa iyo hadda ka hortimid hindise sharciyeedkan, iyadoona ay si weyn u taageereen xisbiyada siyaasadda ee dalkaasi.

Xeerkan ayaa noqonaya mid sharci ah oo dhaqangal ah, haddii Xildhibaanadu ay meelmariyaan.

Hindise sharciyeedka la filayo in la ansixin doono ayaa shirkadaha dalkaasi ee hubka farsameeya iyo kuwa kale ee qalabka militariga soosaara ka mamnuuci doona in ay la macaamilaan Israel.

Spain ayaa waxay ka mid tahay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ee u ololeynaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Israel, si looga jawaabo diidmadeeda ku aaddan in la joojiyo dagaalka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares ayaa Axaddii ku baaqay in cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu soo rogo Israel, haddii ay diidan tahay in ay joojiso dagaalkan.

Qaramada Midoobey iyo xulafada Israel ee reer galbeedka ayaa dalbaday inaanan la carqaladeyn gargaarka naf badbaadinta ee Gaza, iyadoo laga jawaabayo cabsida laga qabo in macluul ay ka dhacdo Marinka Gaza.

Baaqa reer galbeedka keliya ma ahan in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in la qaado xayiraadda gargaarka, wuxuuna sidoo kale uu dalabkoodu ku aaddan yahay in Israel ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee sanadaha badan ka wadday Daanta Galbeed ee la haysto iyo in la bilaabo xaqiijinta in la helo xalka laba dal oo deris ah, iyagoona u arka tallaabada keliya ee lagaga gudbi karo colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Israel iyo Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee garab ordaya ayaa gebi ahaanba ka soo horjeedo in la joojiyo dagaalka Gaza, iyagoo ku andacoonaya inaysan weli shaqadu dhammaan, oo ay uga la jeedaan inaanan laga adkaanin Xamaas, ha yeeshee uu dagaalkoodu ku wajahan yahay dadka rayidka ah.

Iyadoo Netanyahu uu ku marmarsiyoonayo inay dagaal kula jiraan Xoogaga Xamaas ayay haddana ciidamadiisa nooc kasta oo dembi dagaal ah ka gaysanayaan Marinka Gaza, taasoo ay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ku sheegeen wax aan la aqbali karin.