Bannaanbax ka dhan ah Madaxweyne Trump oo ka dhacay Magaalada London

Mudaaharaad lagu diidan yahay booqashada Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee dalkaasi Ingiriiska iyo taageerada dowladdiisa ee Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada London. Trump ayay Arbacadan booqasho uga bilaabatay dalkaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay bartamaha London, iyagoo ka mudaaharaadaya booqashada Trump ee dalkaasi, sababtu tahay waxay mucaaradsan yihiin hubeynta Washington ee Israel.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada, xilli qaar ka mid ah ay wateen Calanka Falastiin, qaar kalena ay siteen boorar ay ku dalbanayaan in la joojiyo hubka loo dhoofiyo Israel iyo in la soo afjaro xasuuqa Gaza.

"Maya Sahyuuniyad. Joojiya argagixisanimada Mareykanka iyo Israel." Ayaa ku qornaa boor weyn oo ay wateen dadkii horkacayay mudaaharaadka.

Dibadbaxayaasha ayaa markii dambe soo dhoobtay ka soo horjeedka barxadda Xarunta Baarlamaanka, halkaas oo kumanaan qof ay isugu soo baxeen.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay isbahaysi u badan garabka bidixda ee dalkaasi, oo si weyn u naqdiya awoodda uu Trump u siinayo Israel in ay sii waddo xasuuqeeda Gaza.

Trump ayaa ah hoggaamiyaha ugu weyn ee gar iyo gardarraba Israel ku taageeraya dembiyada dagaalka ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Shacabka Mareykanka ayaa la tilmaamaa in intooda badan ay ka soo horjeedaan taageerada militari iyo midda maaliyadeed ay dowladdoodu siiso Israel, haddana Trump uu sii wado taageerada indha la'aanta Aqalka Cad ee Israel.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa gaaray dalka Ingiriiska, maalin ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Israel ayaa si ba'an u burburineysa Magaalada Gaza, iyadoo indhaha dunida oo dhan ay ku sii jeedaan hawlgalka ballaaran ay sheegtay inay ku qabsaneyso xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in dagaalka Israel uu saameeyay qof kasta oo ku nool Marinka Gaza, isla-markaana ay diidan tahay in wax laga qabto xaaladda quusta ay sii kordheysa ee ay dadka rayidka ah ku nool yihiin.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay in hawlgalka militari Israel ee Magaalada Gaza uu yahay mid Falastiiniyiinta looga suulinayo magaaladaasi.

Ugu yaraan 83 qof ayaa maanta lagu dilay Marinka Gaza, kuwaas oo 61 ka mid ah ay Israel ku dishay duqaymaha ay ku burburineyso Magaalada Gaza, sida caawa laga soo xigtay ilaha caafimaadka ee Gaza.