Belarus oo soo dhaweysay in Ruushka uu madaxyada nuclear-ka keeno dalkeeda

Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko ayaa soo dhaweeyay in dalkiisa uu qaabilo hubka nuclear-ka ee Ruushka, maalmo uun ka dib, markii Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu shaaciyay in Moscow ay madaxyada hubka wax gumaada gayn doonto dalkaasi.
Madaxweynaha Belarus ayaa sheegay in tani ay gacan ka gaysan doonto in dalka laga ilaaliyo khataraha uga imaanaya wadamada Reer Galbeedka.
"Marka la eego duruufaha jira, gaar ahaan xaaladda militari iyo siyaasadeed ee haatan uu wajahayo dalkeenna, waxaanan ka waaban inaan xoojiyo wada hadalada aan la galayno Madaxweyne Putin, ee ku aaddan in hubka nuclear-ka lagu soo celiyo Belarus." Ayuu yiri Madaxweynaha oo jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ee Saraakiisha.
Lukashenko ayaa Reer Galbeed ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadda Ukraine, isaga oo sheegay in tani natiijadeeda ay noqon karto dagaal hubka nuclear-ka la isku adeegsado oo dunida ay wajahdo.
Ruushka iyo Belarus ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari, iyadoona ciidamadooda ay dhowr jeer sameeyeen dhoolatus wadajir ah. Ruushka ayaana horaan ciidankiisa ku daabulay dalkaasi, markii uu u diyaargaroobayay duulaanka Ukraine.
Reer Galbeedka ayaa Hoggaamiyaha Belarus u arka mid saaxiib dhow la ah Madaxweyne Putin.
Waa markii ugu horreysay oo Ruushka uu hubkiisa nuclear-ka geeyo meel ka baxsan xuduudaha dalkiisa, tan iyo burburkii Midowga Soofiyeet, muddo haatan laga jooggo laba iyo soddon sano.
Ka dib markii Ruushku uu weeraray Ukraine, waxaa cirka isu shareeray xiisadda kala dhaxeysa Mareykanka iyo Reer Galbeedka.


