Ciidamada Ruushka oo kaabiga ku haya magaalada istiraatiijiga ah ee Pokrovsk

Ciidamada Ruushka ayaa ku sii dhawaanaya magaalada istiraatiijiga ah ee Pokrovsk ee Gobolka Donetsk, oo loo arko inay tahay xudunta saadka muhiimka ah ee Milatariga Ukraine ee bariga dalkaasi.

Warbaahinta Ukraine ayaa ku warameysa in Ciidamada Ruushka ay hadda ku sugan yihiin afaafka hore ee magaalada, isla-markaana ay horumar ka sameynayaan dagaalkan.

Taliyaha Militariga Ukraine, General Oleksandr Syrskyi oo dhawaan booqday jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay cadaadis xoog leh kala kulmayaan kuwa Ruushka. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Militariga Ruushka ay isku dayayaan in ay jebiyaan xeendaabka difaaca ee magaaladaasi.

Haddii Ciidamada Ukraine ay gacantoodu ka baxdo Magaalada Pokrovsk waxay carqaladeyn doontaa khadadka saadka Ukraine ee gobolkaasi, waxayna saamayn ku yeelan doontaa warshadaha birta ee dalka, maadaama ay magaaladu leedahay miinada coking ee muhiimka ah, oo ah qayb ka mid ah wax soosaarka birta.

Shirkadda ugu weyn Ukraine ee soo saarta birta ee Metinvest ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay howlihii warshadeeda ee Pokrovsk, cabsi la xiriirta Ciidamada Ruushka ee ku soo wajahan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in Taliska Militariga uu bedelay Taliyihii Ciidamada ee Gobolka Donetsk, Oleksander Lutsenko, ka dib guuldarrooyin is xigxigay oo ka soo gaaray dagaalka.

Oleksander Tarnavski ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee gobolkaasi, sida uu daabacay bogga internet-ka ee Ukrainska Pravda.

Saraakiisha Ukraine ayaa laga soo xigtay in xiisadda gobolka ay xoogeysatay toddobaadyadii la soo dhaafay, sababtu tahay Ruushka oo ballaariyay gulufkiisa militari ee gobolkaasi.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in Taliska Militariga uu dhalleeceyn xoog leh kala kulmay inaysan si ku filan cadowga uga difaaceen Pokrovsk, taasna ay u ogolaatay Ciidamada Ruushka inay soo jiiraan difaacyo loo arkayay inay adag yihiin oo koonfurta magaaladaasi ah.

Qabsashada Ruushka ee Pokrovsk ayaa xitaa halis ku ah in Ciidamada Ukraine ay difaacaan Gobolka Dnipropetrovsk.

Qorshaha Ruushka ayaa u muuqdo mid uu si degdeg ah ku soo gacan gelinayo dhulka maqan ee afartii gobol ee Ukraine ee uu ku darsaday dhulkiisa, ka hor inta aan la gaarin 20-ka bisha January oo lagu wado in awoodda uu la wareego Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump oo ballanqaaday in uu muddo gaaban ku soo afjari doono dagaalka labada dal.

Trump ayaa ku ololeynayay in haddii la doorto uu Kyiv ku cadaadin doono in heshiis aan xasillooneyn ay la gasho Moscow, iyadoo markaasi ka tanaasuleysa qayb ka mid ah dhulkeeda.

Inkastoo aan la aqoon nooca xiriir ee ka dhaxeeya Trump iyo Madaxweynaha Ruushka, haddana Vladimir Putin ayaa u muuqdo mid la dhacsan dib ugu soo laabashada Trump ee Aqalka Cad.

Soo laabashada Trump ee xafiiska ayaa mugdi gelin karta sii socoshada taageerada Washington ee Kyiv iyo in Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky lagu khasbo in uu aqbalo tanaasul xanuun badan.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa taageerada ugu badan ee militari siinayay Ukraine, ku dhawaad saddexdii sano ee ugu dambeysay ee ay dagaalka kula jirtay Ruushka, taasoo caqabad ku noqotay in ciidamadiisa ay si sahlan u ridaan dowladda dalkaasi.