Ciidamada Ruushka oo qarka u saaran inay la wareegaan Magaalada Bakhmut

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in Militariga Ruushka ay qarka u saaran yihiin inay si buuxdo ula wareegaan magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Bakhmut.

Ciidamada Ruushka oo muddo toddobaadyo ah iska caabin xoogan kala kulmayay Ciidamada Ukraine ayay u suurtagashay inay hareereeyaan magaaladaasi, iyadoona ay saadka, sahayda iyo gurmadkaba ka jareen ciidamada la go'doomiyay.

Yevgeny Prigozhin, madaxa xoogaga calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegay in ay fureen waddo ay ugu talagaleen in ay ka baxaan xoogaga wax iska caabinta ee Ukraaniyiinta.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu hadda haysto fursad uu ciidamadiisa uga la bixi karo magaalada, isagoona ugu yeeray in ciidamada uu ka daad-gureeyo magaaladaasi.

Saraakiisha Ukraine ayaa qiray in cadaadis xoog leh la soo saaray ciidamada kaga sugan magaaladaasi, ayna suurtagal tahay in ay halkaasi isaga baxaan.

Ruushka ayaa daba-yaaqadii bishii January kordhiyay weerarada uu ka gaysanayo Magaalada Bakhmut ee Gobolka Donetsk, ka dib markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada kale ee istiraatiijiga ah ee Soledar.

Bishii February, Madaxa Wagner ayaa sheegay in la wareegista Bakhmut ay muhiim u tahay joogitaankooda bariga Ukraine.

Bakhmut ayaa muddooyinkii ugu dambeysay xudun u noqotay dagaalka culus ee dalkaasi ku dhex maraya Ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay mid ka mida dagaaladii ugu qaraaraa, uguna dhimashada badnaa ee ay dhinacyadaasi isaga horyimaadaan, tan iyo markii Ruushku weeraray dalkaasi.

Magaalada waxaa ka muuqanaya burbur baahsan, tani oo muujineysa inaanan dagaalka waxba la isku reeban.