Ciidamada Ukraine oo ku mintidaya gacan ku haynta Bakhmut

Ciidamada Ukraine ayaa weli isku dayaya inay difaacdaan gacan ku haynta Magaalada Bakhmut, xilli uu hujuum xoogan kaga imaanayo xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, kuwaa oo dhanka cirkana ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa horey ula soo wareegay bariga Bakhmut iyo deegaanada ku xeeran, iyagoona haatan isku ballaarinaya koonfurta magaaladaasi, inkastoo ay iska caabin xoog lihi la kulmayaan.

Xoogaga Wagner ayaa u muuqdo kuwo isku fidinaya jiidda koonfureed ee Sadova, halkaas oo difaacooda ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidamada Ukraine.

Guutooyin ka tirsan Ciidamada Ukraine oo ku sugan koonfurta magaalada ayaa jilbaha u laabtay weerarka kaga imaanaya xoogaga Wagner, tani oo seenta u dheereysay dagaalka.

Horaan, Ciidamada Ukraine ayaa u muuqday kuwo isku diyaarinaya in ay isaga baxaan magaaladaasi, walow aad mooddo in qorshahoodii uu wax iska bedelay.

Saraakiisha Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine ayaa sheegay inaanay jirin calaamad muujineysa in Ciidamada Ukraine ay qorsheynayaan in ay isaga baxaan magaalada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Ukraine, General Oleksandr Syrsky ayaa ku goodiyay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dadaalada ay ku difaacayaan Bakhmut.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay ku dhaceen dabinka Bakhmut, xilli uu qiray in dagaalka ay labada dhinacba ku la'anayaan.

Saraakiisha Ukraine iyo Ruushka midna ma sheegin tirada rasmiga ah ee kaga dhimatay dagaalka Bakhmut, xilli dagaalkan lagu sheegay kiisii ugu khasaaraha badnaa, uguna muddada dheeraa ee dhinacyadaasi ku dhex mara dalkaasi, tan iyo intii uu Ruushku weeraray.

Ruushka iyo Ukraine ayaa la fahamsan yahay in dhaqaale fara-badan uu kaga baxay dagaalkan lagu hoobtay ee weli ka sii soconaya Bakhmut oo ka tirsan Gobolka Donetsk.

Moscow ayaa waxaa ka go'an in ay la wareegto magaaladan, muddada ay doontaba haku qaadatee. Saraakiisha Ruushka ayaa Bakhmut ku qeexay mid fure u ah joogitaankooda bariga dalkaasi.