Dadka reer Graz oo bilaabay in ay ka jawaabaan baaqa Laanqeyrta Cas ee Austria
Bulshada ku dhaqan Magaalada Graz ee dalkaasi Austria ayaa xalay bilowday inay ka jawaabaan baaqii uga yimid Hay'adda Laanqeyrta Cas ee dalkaasi, si ay dhiig shubis u sameeyaan.
Laanqeyrta Cas ee Austria ayaa Talaadadii dadka deegaanka ugu baaqday in ay isbitaalada yimaadaan, si ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay toogashadii shalay.
21 jir lagu sheegay arday hore ayaa weeraray Dugsiga Sare ee Dreierschützengasse, isagoona toogtay qaar ka mid ah macalimiintii iyo ardaydii ku sugneyd iskuulkaasi.
Inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria, Gerhard Karner uu sheegay in ninkaasi uu dilay sagaal qof, 12 kalena uu dhaawacay ayaa waxay haddana Warbaahinta gudaha sheegtay in dhaawacyada 30 qof la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee magaalada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeney ka mid ahayd dadkii sida xun ugu dhaawacmay toogashadaasi ay xalay u geeriyootay dhaawicii soo gaaray.
Laanqeyrta Cas ee Austria ayaa mar dambe dadka reer Graz ku wargelisay in ay yimaadaan xarun ay ka furtay hotel ku yaala magaalada, si ay halkaasi dhiig shubis ugu sameeyaan.
Sidoo kale kooxda kubadda cagta ee Sturm Graz ayaa furtay xarun labaad ay ku tabarucaan dadka doonaya in ay dhiigooda bixiyaan.
Dadka oo gaaraya xarumahaasi ayaa ku deeqaya dhiigooda, iyagoona u arka waxa ugu yar ee ay samayn karaan, si nafo loo badbaadiyo.
Shacabka oo ka duulaya baahida degdegga ah ee dhiigooda loo qabo ayaa safaf ugu jira goobahaasi, iyagoo xitaa saacado sugaya.
Dadka deegaanka oo xalay fiidkii isugu soo baxay fagaaraha weyn ee magaalada ayaa shiday shumacyo, si ay ugu muujiyaan inay ka xun yihiin wixii dhacay, waana caado inta badan dhaqan ka noqotay dalalka reer galbeedka, si loogu xoojiyo midnimada shacabka, looguna xusuusto dhacdooyinka.
Madaxa Guddiga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in ay ka murugootay weerarka ka dhacay iskuulkaasi, iyadoona tacsi u dirtay qoysaska dhibaneyaasha.
"Dugsiyadu waxay calaamad u yihiin dhallinyarada, rajada iyo mustaqbalka. Way adag tahay in la dulqaato marka dugsiyadu ay noqdaan goobo dhimasho iyo rabshado." Ayay tiri Ursula von der Leyen.
Arbacadan ayaa waxaa dalkaasi ka bilaabanaya saddex maalmood oo baroordiiq ah oo lagu xusayo dhibaneyaasha.
Graz oo ah magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ayaa waxaa ku nool dad lagu qiyaaso saddex boqol oo kun oo qof.