Doorashooyin isku sidkan oo maanta ka dhacaya Galmudug iyo Hirshabelle

Shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle qaybtood ayaa Arbacadan u dareeraya goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada maamul iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug iyo Hirshabelle.

Doorashada Galmudug oo mid ku celis ah ayaa ka dhaceysa 11 magaalo iyo deegaanada qaar ee hoostaga, kana kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana ku tartamaya musharaxiin kala metelaya 12 Urur Siyaasadeed.

Sidoo kale doorashada Hirshabelle oo laga qabanayo 12 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta 14 Urur Siyaasadeed.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Ururada Siyaasadda ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda doorashooyinka.

"Waxaan rajeynaynaa in Galmudug iyo Hirshabelle ay ka dhici doonto doorasho qurxoon oo hufan, oo aan rabno inay si nabad ah noogu dhacdo, Ilaahay idiinkiisa." Ayuu yiri Cabdikariin Axmed.

Cabdikariin Axmed ayaa dadkii horey isugu diiwaangeliyay doorashada ee qaatay kaarka codbixinta ugu baaqay inay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ay codkooda u dhiibtaan.

"Waxaan leeyahay dhammaan dadka diiwaangashan oo haysta kaarka codbixinta inay si nadiif ah ugu soo baxaan goobaha doorashada oo codkooda ay si xor ah u dhiibtaan, ururkii ay rabaana u codeeyaan." Ayuu yiri Cabdikariin Axmed.

Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabelle ayaa laga kormeerayaa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar, marka aad eegto in Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Kuxigeenkiisa Saadaq Abshir Garaad ay ku kala sugan yihiin magaalooyinkaasi.

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo ayaa la filayaa in uu ku guuleysan doono kuraasta ugu badan ee doorashooyinka ka qabsoomaya maamuladaasi.

Ururkan ayaa loo arkaa midka saamaynta ugu badan ku leh doorashooyinka maxaliga ah ee Galmudug iyo Hirshabelle, iyagoo adeegsanaya taageerada Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Dad badani ayaa waxay qabaan in loolanka doorashada ka socota deegaanadaas uu si weyn ugu xiran yahay go'aamada JSP.