Dowladda Belgium oo cambaareysay toogashada naxdinta leh ee ka dhacday Gaza

Dowladda Belgium-ka ayaa cambaareysay toogashada naxdinta leh ee ay maanta Ciidamada Israel ku dileen, kuna dhaawaceen boqolaal ka mid ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Belgium-ka, Petra De Sutter ayaa sheegtay in ay ka argagaxday wararka ka imaanaya Gaza ee sheegaya in Ciidamada Israel ay toogteen dad rayid ah oo sugayay in ay deeq gargaar ah helaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dhacdada ka dhacday Waddada Rashid ee xeebta galbeedka Gaza ay ku dhinteen 104 qof, 760 kalena ay ku dhaawacmeen, markii Ciidamada Israel ay rasaas ku furayn dad halkaasi isugu soo baxay in gargaar loo qaybiyo.

Petra De Sutter, Raysal Wasaare Kuxigeenka Belgium ayaa sheegtay in dilka dadkaasi uu xadgudub cad ku yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Waxay kaloo sheegtay in dhacdadan ay sidoo kale ka horimaaneyso amarkii 26-kii bishii January ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga, ee ahaa in Israel ay ilaaliso dadka rayidka ah.

"Tani waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, waxayna si buuxda uga soo horjeedaa tallaabooyinka ku meel gaarka ah ee Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah." Ayay tiri Petra De Sutter.

Maxkamadda ICJ ayaa xilligaasi dalbatay tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo dadka reer Gaza, iyada oo Israel fartay in ay yareyso waxyeelada rayidka, isla-markaana ay ogolaato in gargaar bani’aadantinimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo shacabka.

Dhanka kale Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa sheegay in uu ka naxsan yahay dilka iyo dhaawaca boqolaalka qof ee shacabka ah, intii lagu guda jiray buu yiri wareejinta gargaarka.

Martin Griffiths ayaa dhalleeceeyay weerarada naxariis darrada ah ee Militariga Israel ee ay sida xowliga ah ugu dhimanayaan dadka shacabka ah.

"Noloshu waxay Gaza uga baxeysaa xawaare aad u xun." Ayuu yiri Griffiths oo intaasi ku daray xitaa 5 bilood oo Gaza ay ka socdeen weeraro cadowtinimo ah ay weli si firfircoon Gaza uga dhacayaan weerarada qalbi jabka ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa Isniintii sheegay inaanan wax qiil ah loo haynin gabood-falada ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa marar fara-badan lagu eedeeyay in ay si joogto ah ugu xadgudbaan shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka, marka aad eegto sida aan kala sooca lahayn ee ay dadka rayidka ah ugu leynayaan Gaza.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan kororka dhimashada iyo dhaawaca ee dadka aan waxba galabsan.