Dowladda Gariiga oo sheegtay 79 qof ku dhinteen xeebaha dalkeeda, markii dooni ku degtay

Dowladda Gariiga ayaa sheegtay in 79 qof ay ku dhinteen dooni ay dad muhaajiriin ahi la socdeen oo ku degtay xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Doonida oo ka soo ambabaxday xeebaha dalka Liibiya, kuna sii jeeday dalka Talyaaniga ayaa sida la sheegay waxaa la socday boqolaal qof oo tahriibeyaal ah.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 104 qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Masar, Suuriya, Pakistan, Afghanistan iyo Falastiiniyiin, illaa iyo haddana ay soo saareen meydadka 79 qof.

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Gariiga ayaa sheegay in laga cabsi qabo inay dhinteen boqolaal kale oo la la'yahay. 

Qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa Saraakiisha u sheegay inay doonida ku saarnaayeen illaa 400 oo qof.

Hase ahaatee Loannis Zafiropoulos oo ah Kuxigeenka Duqa Magaalada Kalamata, halkaas oo la geeyay muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa sheegay in xogta ay hayaan ay muujineyso in doonidan oo ahayd nooca kalluumeysiga ay la socdeen in ka badan 500 oo qof.

Illaa lix markab oo ay leeyihiin Ilaalada Xeebaha Gariiga, diyaarado helicoptero ah oo Ciidanka Cirka ee dalkaasi ay leeyihiin iyo maraakiib kale oo shisheeye ayaa ka qayb qaadanaya howlaha gurmadka ee lagu soo samatabixinayo dadkii Arbacadii la waayay.

Dowladda Gariiga ayaa tani ku sheegtay mid ka mid ah masiibadii ugu weyneyd ee ku habsata dadka magangelyo-doonka ah.

Xukuumadda Athens ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq ah, oo calanka dalkaasina hoos loogu dhigayo.