Dowladda Ruushka oo sheegtay in Israel ay dooratay dhabaha dagaalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Israel ku eedeeyay inay dooratay dhabaha dagaalka, ka gadaal markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray in Israel aysan joojin doonin weerarada ay ka waddo dalka Lubnaan ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo xalay ka hadlayay kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xiisadda Bariga Dhexe ayaa sheegay in gobolku uu qarka u saaran yahay dagaal buuxa.
"Bariga Dhexe waxa uu qarka u saaran yahay dagaal weyn, kaas oo dadka qaar ay aad u rabaan." Ayuu yiri Wasiirka oo cambaareeyay ficilada Israel iyo isku dayada ay dagaalka gobolka ku fidineyso.
"Waxaan si adag u cambaareynaynaa ficilada dhinaca Israel ee sida ba'an ugu xadgudbay madaxbannaanida Lubnaan oo saaxiib nala ah. Weerarada aan loo meel dayin ee dhibaneyaasha ay yihiin dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin. Waddada dagaalka ay Israel dooratay ma caawin doonto galbeedka." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda xuduudda labada dal aysan keeni doonin inay Israeliyiintii barakacay dib ugu soo laabtaan guryahooda waqooyiga Israel iyo inay Israel xasiliso amniga deegaanada xuduudda ee labada dal.
"Taas waxaa caddeyn u ah ololihii militari ee ay Israel ku qaadday Lubnaan sanadkii 2006. Marka adeegsiga qalabka militari ee ugu horumarsan kama caawinayaan Israel, si ay u xaqiijiso ujeedooyinkeeda dagaalka." Ayuu Wasiirku hadalkiisa ku adkeeyay.
Dhanka kale Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa ku nuuxnuuxsaday inaanan marnaba si dhameystiran xal looga gaari doonin colaadda Gobolka Bariga Dhexe, iyadoo aan la xalin haysashada Israel ee dhulka Falastiiniyiinta.
"Colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel ee aan la xalin ayaa saamayn degdeg ah ku leh gobolka oo dhan. Qalalaasaha ku xeeran Gaza oo aan horey loo arag cawaaqibkeeda ba'an iyo burburka ayaa noqday waxa horseedka u ah kor u kaca iska horimaadka Lubnaan iyo Israel. Duqaymaha joogtada ah ee ka socdo khadka buluugga ah iyo kuwa qotada dheer ee dhulka Lubnaan & Israel waxay mar hore saamayntoodu gaareen adduunka oo dhan." Ayuu yiri Wasiir Lavrov.
Waxa uu sheegay inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay meel mariyeen go'aamo dhowr ah oo ku baaqaya in xabad joojin waarta laga hirgeliyo Marinka Gaza iyo in gargaarka bani'aadantinimo la gaarsiiyo, haddana hawlgalka militari ee Israel uu sii socdo.
"Toban maalmood ka hor, Golaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu ansixiyay qaraar lagu taageerayo ra'yiga la talinta Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), kaas oo si aan leex leexad lahayn u qeexaya dabeecadda sharci darrada ah ee ay Israel ku haysato dhulka Falastiiniyiinta iyo baahida loo qabo in la soo afjaro. Xubnuhu waxay taageereen hindisahan loogu talagalay in lagu gaaro xal waara oo caddaalad ah oo laga gaaro khilaafka Falastiiniyiinta & Israel iyo xaqiijinta xaqa ay Falastiiniyiintu u leeyihiin in ay dhistaan dowlad iyaga u gaar ah oo lagu saleynayo xuduudihii 1967-kii, oo ay caasimaddeedu tahay Bariga Qudus." Ayuu yiri Lavrov.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa afka ku ballaariyay inay jiraan go’aamo aan mad madow ku jirin oo Qaramada Midoobey ay ka soo saartay arrintan, isla-markaana ay tahay in hadaf mideysan lagu xaqiijiyo dhaqangalkooda.
Wasiirka ayaa walaaac ka muujiyay in dhibaatada ay ka jirto dhinaca Mareykanka, kaas oo gar iyo gardarraba ku taageeraya Israel.
Wasiirka ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay inay qaadato nabadda iyo in si guud loo soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah ula hadlo Wakiilada Mareykanka, doorashada idinkaa iska leh. Waxaad sii wadi kartaan xannibaadda shaqada Golaha Ammaanka ama waxaad garab istaagi kartaan nabadda oo Beesha Caalamka ayaa ka dalban kartaan in dagaalka la joojiyo." Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov oo sii hadlayay ayaa yiri "La'aantiina, taageerada buuxda ee aad Israel siisaan, colaadda waxaa lagu dhamayn karaa si degdeg ah oo wax ku ool ah. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa abuurista shuruudo dib loogu soo celinayo wada hadalada nabadda. Dabcan waa in la yiraahdaa wada hadalada waa in ay noqdaan kuwo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, iyada oo aan cidna ka amar qaadan."
Hadalka Lavrov ayaa yimid, ka dib markii Israel ay xalay fiidkii qaadday weerar ay sheegtay in ay ku bartilmaameedsatay goob uu ku sugnaa Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah. Ujeedka ayaana ahaa in la dilo Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah. Marka laga soo tago sheegashada Israel ee ku saabsan inay dishay ninkaasi, haddana ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.
Haddii la xaqiijiyo in la dilay Hassan Nasrallah, waxay noqon doontaa mid aan u wanaagsaneyn shacabka labada dal iyo gobolkaba.
Nasrallah oo 32-kii sano ee ugu dambeysay hoggaaminayay Ururka Xisbullah ayaa dhisay ciidamada ugu hubeysan ee aan dowliga ahayn ee ka jira Bariga Dhexe. Saamayntiisu waxay aad uga fog tahay xuduudaha Lubnaan, waxaana jira xoogag raacsan fekerkiisa hoggaamineed, oo ah kooxaha Shiicada Muslimiinta ee gobolka.
Israel ayaa weerarkan qaadday, ka dib markii ay iska diiday baaqa xabad joojinta ee Mareykanka iyo Faransiiska, oo soo jeediyay in muddo 21 cisho ah la joojiyo colaadda, si loo bilaabo wada-xaajood diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dal.