Duqayn uu Ruushka ka gaystay maqaaxi ku taala Ukraine oo 10 qof ku dhinteen
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacantay, markii Ciidamada Ruushka ay fiidnimadii xalay gantaal ku dhufteen maqaaxi ku taala Magaalada Kramatorsk ee bariga dalkaasi Ukraine.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in dadka duqaynta ku dhintay ay saddex ka mida carruur yihiin.
Laba ka mid ah dadka dhintay waxaa la sheegay inay ahaayeen laba gabdho oo mataano ahaa, laguna kala magacaabi jiray Yuliya iyo Anna Aksenchenko oo 14 jir ahaa.
Duqa Magaalada Kramatorsk, Oleksandr Goncharenko ayaa sheegay in shaqaalaha samatabixinta ay burburka ka soo saareen meydka wiil yar, kaas oo aanu da'diisu sheegin.
Saraakiisha ayaa sheegay in tirada dadka ku dhaawacmay gantaalkaasi ay kor u dhaafayaan 50 qof.
Kramatorsk oo ku taala Gobolka Donetsk ayaa waxaa maamusha Ukraine, balse waxaa la leeyahay kama foga dhulka ay gobolkaasi ka haystaan Ciidamada Ruushka. Donetsk ayaa ka mid ah 4-tii gobol ee uu Ruushku qarameeyay bishii October.
Bishii April ee sanadkii hore ayay ahayd, markii 63 qof ay ku dhinteen duqayn ay Militariga Ruushka ka gaysteen maxaddo tareen oo ku taala magaaladaasi.






