Faransiiska oo diyaarinaya qaraar lagu dalbanayo xabad joojinta Gaza, markii kii Mareykanka uu fashilmay

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu soo diyaarin doono qaraar cusub, oo ku baaqaya in la joojiyo dagaalka Gaza, ka dib markii uu Jimcihii guuldareystay qaraarkii qabyada ahaa ee Mareykanka uu ku dalbanayay xabad joojin degdeg ah.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhammaadka Shir Madaxeedka Midowga Yurub ee Magaalada Brussels ayaa sheegay in Faransiisku uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horkeeni doono qaraar qabyo qoraal ah, isaga oo kala shaqeynaya Mareykanka, Yurub iyo dalalka Carabta, si loo gaaro heshiis.

Madaxweyne Macron ayaa Golaha Ammaanka weydiistay inuu ku baaqo xabad joojin degdeg ah iyo in Gaza la geeyo gargaar bani'aadantinimo.

Mareykanka oo qaraarka u gudbiyay Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxaa taageeray 11 ka mid ah xubnahaasi, iyadoo saddex ay diiday, halka midna uu ka aamusay.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraarkaasi, oo ku baaqayay in la joojiyo colaadda Gaza, lana sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah 5-ta leh ee leh diidmada qayaxan ee Veto ayaa waxay diidmadooda waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyadda.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey, Danjire Vassily Nebenzia ayaa qaraarka Mareykanka ku tilmaamay mid aan waxba ka qabanayn gumaadka ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in qaraarku uu yahay mid aan lagu ciqaabeen dembiyada ay Israel ka gaysaneyso Gaza.

Mareykanka ayaa saddex jeer oo hore Veto u adeegsaday qaraar ay Qaramada Midoobey ku codsaneysay in la soo afjaro dagaalkan 6-da bilood ka sii socda Marinka Gaza.