Faransiiska oo Israel ku eedeeyay inay dhaawaceyso xiriirka labada dal
Faransiiska ayaa Israel ku eedeeyay inay dhaawaceyso xiriirka labada dal, ka dib markii ciidamadeeda ay gudaha u galeen goob cibaado oo Faransiiska uu maamulo oo ku taala Magaalada Qudus (Jerusalem).
Booliska Israel ayaa la sheegay in Khamiistii ay xireen laba ka mid ah diblomaasiyiinta Faransiiska, inkastoo markii dambe ay dib xorriyadooda u siiyeen.
Dhacdadan ayaa dhacday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot uu booqanayay Dhismaha Kaniisadda Pater Noster. Goobtan ayaa ka mid ah afar goobood oo Faransiiska uu maamulo oo ku yaala Jerusalem.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa diblomaasiyiinta Faransiiska ka soo xigatay in Ciidamada Israel lagu wargeliyay inaysan geli karin goobta, ka hor inta aanu booqan Wasiir Barrot.
Reuters ayaa ku warantay in Ciidamada Israel ay iska dhega tireen digniintaasi, isla-markaana ay galeen goobta, iyagoo ka soo xiray laba Sarkaal oo Faransiis ah, iyada oo Israel ay ka warqabtay in ay ka tirsan yihiin Qunsuliyadda Faransiiska, isla-markaana ay haystaan xasaanad diblomaasiyadeed.
Khilaafka ayaa sii xumeynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo markii hore ku xumaaday hawlgalada militari ee Israel ka waddo Marinka Gaza iyo Lubnaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa Warbaahinta u sheegay in tani ay xadgudub ku tahay sharafta goob uu Faransiisku maamulo, waana xilli uu sheegay inuu Israel u yimid, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo wax ka qabashada xiisadda Gobolka Bariga Dhexe.
"Ku xadgudbidda sharafta goob ay masuuliyaddeeda Faransiisku saaran tahay waxay khatar gelineysaa xiriirka aan la leenahay Israel ee aan u imid inaan xoojino, xilli dhammaanteen aan u baahanahay inaanu horumarino waddada nabadda ee gobolka." Ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa xalay sheegtay in uu muran dhex maray Ciidamada Israel iyo laba askari oo ilaalo u ahaa Wasiir Barrot, lana sii daayay, markii loo aqoonsaday inay diblomaasiyiin yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in marka masuuliyiinta shisheeye ay meelaha booqanayaan ay tahay inay la socdaan ciidamada amniga, horeyna loogu caddeeyay masuuliyiinta Faransiiska, intii uu socday wada hadalkii qaban-qaabada booqashada ee lala yeeshay Safaaradda Faransiiska ee Israel.
Ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay in Maamulka Israel ay faafinayaan warar been abuur ah, isla-markaana aysan jirin wax is afgarasho ah oo la xiriira qaabka booqashada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalmaha soo socda loo yeeri doono Safiirka Israel u jooga Magaalada Paris.
Jean-Noel Barrot, Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa Israel u tegay, sidii loogu cadaadin lahaa in la soo afjaro colaadda Bariga Dhexe, haddii ay soo dhammaatay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa bishii October si kulul uga jawaabay baaq ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo ku saabsanaa in la joojiyo hubka la geeyo Israel, ka dib markii Israel ay dagaalka ku ballaarisay dalka Lubnaan oo dhan.
Baaqa Madaxweyne Macron ayaa jawaab u ahaa, ka gadaal markii Israel ay Mareykanka iyo Faransiiska ku gacan seyrtay soo jeedintoodii ahayd in dalka Lubnaan laga sameeyo 21 cisho oo xabad joojin ah, colaadda labada dalna lagu dhameeyo miiska wada hadalka.