Faransiiska oo Midowga Yurub ka dalbaday in dib loo eego iskaashiga Israel

Dowladda Faransiiska ayaa waxay ka walaacsan tahay xaaladda bani'aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay xasuuqeeda dadka rayidka ah ugu dartay in ay u diido gargaarka bani'aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin.

Faransiiska ayaa Midowga Yurub ku booriyay inay dib u eegis ku sameeyaan iskaashiga ganacsiga ee Israel, ka dib xadgudubyadeeda xuquuqda aadanaha ee Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot ayaa Midowga Yurub ugu baaqay in ay qiimeeyaan heshiiskii ay horey ula galeen Israel, iyadoo laga jawaabayo walaaca caalamiga ah ee ka dhashay go'doominta adag ee ay Israel ku hayso Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa sheegay in Paris ay taageersan tahay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Midowga Yurub iyo Israel, maadaama xiriirka labada dhinac uu salka ku hayo ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda, sida ku cad qodobka 2aad ee heshiiska.

"Tani waa codsi sharci ah, waxaana ku martiqaadayaa Guddiga Yurub inay baaraan, waana in qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameeyo u hoggaansanaanta Israel ee qodobka 2." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska.

Wasiir Barrot ayaa tibaaxay in xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ay tahay mid aad u daran, ka dib markii dadka rayidka ah ay soo food saartay buu yiri gaajo daran, biyo la'aan iyo sahayda kale ee muhiimka ah oo aan laga heli karin Marinka Gaza, taasna ay u sabab tahay go'doominta socota.

Barrot ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lala xisaabtamo Tel Aviv, marka loo eego masiibada bini’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee ay Israel ka abuurtay dhulka Falastiiniyiinta.

“Marinka Gaza waxa uu hadda qarka u saaran yahay fowdo, burbur iyo macluul, qof walbana wuu arki karaa." Ayuu yiri Barrot.

Hadalkiisa ayaa imanaya, ka gadaal markii Dowladda Netherlands ay ku baaqday in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo habdhaqanka Israel, iyadoo Amsterdam ay ka dhawaajisay in xannibaadda hadda ee Israel ee gargaarka Gaza ay jebinayso mabaadi'da ku xusan heshiiska.

Khubarada caalamiga ah ee haqab-beelka cuntada ayaa toddobaadkan soo saaray digniin adag, oo ay ku sheegayaan in Gaza ay u badan tahay in macluul ay ka dhici doonto, haddii Israel aysan qaadin go'doominteeda iyo is hortaageeda gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza, isla-markaana aanay joojin weeraradeeda militari ee ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska oo tixraacaya digniinta khubarada ayaa si adag ugu dhalleeceeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu go'aanka ay ku xanibeen gargaarka naf badbaadinta.

Madaxweyne Macron ayaa go'aanka xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo ku tilmaamay mid ceeb ah, sababtoo ah waxa uu sababay dhibaato ba'an oo bani'aadantinimo.

"Waxaan si xoogan u sheegaya, waxa ay Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay maanta sameynayso inuu yahay wax aan la aqbali karin." Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay ka soo muuqday Telefishanka Qaranka ee TF1.

"Ma jirto dawo, mana soo saari karno kuwa dhaawaca ah, dhakhaatiirtuna ma geli karaan Gaza. Waxa uu Netanyahu sameynayo waa wax ceeb ah, waa ceeb." Ayuu yiri Macron.

Macron oo bishii hore ee April booqday Magaalada Arish ee Masar, kuna dhow xuduudda Marinka Gaza ayaa dhaawacyada dad Falastiiniyiin ah ku booqday isbitaal ku yaala magaaladaasi, waxaana uu xilligaasi ku baaqay in la furo xuduudda Gaza, lana ogolaado dhaqdhaqaaqa kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey, si wax looga qabto masiibada bani'aadantinimo ee Gaza, laakiin aysan Israel tixgelin codsigiisa.

Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay go'doomin dhinac kastaba leh. Gawaarida gargaarka ayaana tan iyo xilligaasi gelin gudaha Gaza, kuwaas oo weli ku xaniban bannaanada Gaza.

Warkan ka soo yeeray Madaxweyne Macron iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa la sheegaya in indhaha Midowga Yurub uu ku soo jeediyay Israel, inkastoo aan la garaneyn tallaabada ay qaadi doonaan.

Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku daaban ayaa la fahamsan yahay in ay ka caroodeen dhalleeceynta uga timid Paris, waxaana la filayaa in ay ka jawaabi doonaan.