Faransiiska oo si rasmi ah u aqoonsaday Dowladnimada Falastiin

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa caawa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah u aqoonsaday Dowladnimada Falastiin, isagoo ka hadlayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka furmay Magaalada New York.

"Maanta waxaan caddaynayaa in Faransiiska uu aqoonsan yahay Dowladda Falastiin." Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

"Tani waa sababta ugu weyn ee maanta aan u joogno halkan." Ayuu yiri Madaxweynuhu oo dunida ku booriyay in la taageero dadaalada nabadda ee Bariga Dhexe.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay khudbaddiisa ayaa sheegay in xalka labada dal ee Israel iyo Falastiin uu keenayo in nabad mustaqbalka ah lagu soo dabaalo gobolka.

"Annaga ayay masuuliyad innaga saaran tahay inaan samayno wax kasta oo awoodeenna ah, si aan u u suurtagelino xalka labada dowladood." Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri "Waxaan halkan isugu nimid, sababtoo ah waqtigii ayaa yimid."

Madaxweyne Macron ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaa la gaaray waqtigii la sii deyn lahaa la haysteyaasha, waxaana la gaaray xilligii la joojin lahaa dagaalka, xasuuqa iyo dadka qaxaya."

Macron ayaa muujiyay in duulaanka Israel ee Gaza uu si weyn u saameeyay dunida, isla-markaana la joogo xilligii xasaradaha la dejin lahaa.

"Waqtigii ayaa yimid, sababtoo ah meel walba waxaa ka jira xaalad degdeg ah, waqtigii nabadda ayaana yimid. Waxaan dhowr daqiiqo u jirsanay in aanan awoodin inaan nabad helno, taasina waa sababta aan halkan isugu nimid."

Aqoonsiga Faransiiska ee Dowladda Falastiin ayaa ku soo aadaya, xilli carro baahsan oo caalami ah ay ka dhalatay xasuuqa ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Dunida ayaa si weyn uga soo horjeedsatay habdhaqanka Israel ee dagaalka Gaza iyo tallaabooyinkeeda ay gargaarka bani'aadantinimo ugu diidan tahay dadka rayidka ah ee gaajada la ildaran.

10 dal oo reer galbeed ah ayaa illaa iyo hadda xaqiijiyay inay bishan aqoonsanayaan Falastiin, kuwaas oo kala ah Ingiriiska, Australia, Canada, Portugal, Faransiiska, Belgium, Malta, Luxembourg, Andorra iyo San Marino. Shan ka mid ah dalalkan ayaa illaa iyo hadda ku dhawaaqay aqoonsigooda Falastiin, iyadoo kuwa kalena ay waddada ku soo jiraan.

Dalalka reer galbeedka ayaa u dhaqaaqay aqoonsigooda Falastiin, maalmo ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in uu bilowday duulaan ballaaran, oo sida ay sheegtay ay ku qarameynayso Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Tallaaabada reer galbeedka ee liddiga ku ah mowqifkoodii taageerada ee Israel ayaa sii xoojineysa jawaabta caalamiga ah ee lagu go'doominayo Tel Aviv.