Gaashaanbuurta NATO oo ka hadashay rabshadihii ka dhacay Ruushka

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdooyinkii maalintii Sabtida ka dhacay dalka Ruushka, ka dib markii ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ay ka gadoodeen habdhaqanka Wasiirka Difaaca ee dalkaasi.
Xoghayaha ayaa sheegay in dhacdooyinkaasi ay ahaayeen astaan kale oo muujineysa sida uu yiri khaladaadkii istiraatiijiyadeed ee weynaa ee Madaxweyne Vladimir Putin uu galay, markii uu goystay Jasiirada Crimea, kuna duulay dalka Ukraine.
Waxa uu sheegay in gadoodka Xoogaga Wagner aanay dhaafsiisanayn gudaha Ruushka, isla-markaana xulafada NATO ay si dhow isha ugu hayaan.
"Dhacdooyinkii dhammaadka toddobaadkii tegay waxay ahaayeen arrin Ruushka gudihiisa ah, haddana waa arrin kale oo muujineysa khaladaadkii istiraatiijiyadeed ee weynaa ee Madaxweyne Putin ku kacay, markii uu Crimea ku darsaday dalkiisa iyo duulaankii xigay ee uu ku qaaday Ukraine inteeda kale." Ayuu yiri Jens Stoltenberg.
Jens Stoltenberg ayaa sheegay in isbahaysiga NATO ay sii wadi doonaan kaalmada militari ee ay siiyaan Ukraine, illaa iyo inta Ruushku uu ku sugan yahay dhulka Ukraine.
"Inta Ruushka uu sii wado duulaankiisa ka dhanka ah Ukraine, waxaa aad u sii muhiimsan inaan sii wadno taageeradayada Ukraine. Shacabka Ukraine waxay qaadeen weeraro rogaalcelis ah oo ay ku doonayaan inay dib ugu la wareegaan dhulkii uu Ruushku ka qabsaday." Ayuu yiri Stoltenberg.
Stoltenberg ayaa yiri "Arrinta Ukraine waxay ku dambayn doontaa miiska wada hadalka, si loo helo nabad waarta oo caddaalad ah."
Stoltenberg ayaa maanta hadalkan ka sheegay dalka Lithuania, xilli dalkaasi looga diyaargaroobayo martigelinta shir madaxeedka NATO oo ka furmi doona 11-ka bisha soo socota ee July.


