Gadoodka lagu diidan yahay ficilada Israel oo ku fidaya Yurub

Israel ayaa cadaadis xoog leh kala kulmeysa xulafadeeda dhow ee Yurub, oo ka soo horjeestay ficiladeeda Gaza ee leh dilka joogtada ah ee dadka rayidka ah iyo diidmadeeda in gargaar macno leh la gaarsiiyo Marinka Gaza, xilli ay dadku gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza, iyadoo gargaarkuna uu ku xaniban yahay xuduudaha Gaza.
Dowladaha reer galbeedka oo siyaasad ahaan si weyn u taageersanaa Israel ayaa markan u muuqdo kuwo dhinaca kale ka soo jeestay, iyagoona u ololeynaya in la qaado tallaabooyin lagu cunaqabateynayo maamulkaasi.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib cadaadiskii caalamka ka haystay hoggaamiyeyaasha dalalkaasi oo ugu darsoomay midka gudaha, oo shacabkoodu ay kaga dalbanayaan inaanay la macaamilin Israel, si loogu ciqaabo dembiyadeeda aan dhammaadka lahayn.
Dowladaha ugu saamaynta badan ee Yurub, marka laga soo tago Jarmalka ayaa la sheegaya in ay ka carreysan yihiin quursiga iyo xushmad la'aanta ay kala kulmayaan Israel, marka ay noqoto in Israel ay diidan tahay baaqooda ah in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza iyo in la hagaajiyo xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta dhulka ay burburisay.
Ingiriiska, Faransiiska, Netherlands iyo Talyaaniga ayaa ku biiraya dalalka Ireland, Spain, Norway, Belgium iyo Luxembourg, kuwaas oo muddooyinkanba aad u dhalleeceynayay ficilada naxariis darrada ah ee Israel kula kaceyso dadka reer Gaza.
Sanadkii hore dalalka Spain, Ireland, Norway iyo Slovenia ayaa aqoonsaday Dowladda Falastiin, waxaana bisha soo socota ee June lagu wadaa in Faransiisku uu isna aqoonsado.
Dalalka reer galbeedka ayaa markii ugu horreysay isaga dayanaya in ay hoos u dhigaan iskaashigii ay wadaageen Israel, si Tel Aviv ay u aqbasho in ay joojiso xasuuqa Gaza, inay qaaddo xayiraadda gargaarka ee dhulka ay go'doomisay iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ay ka sameynayso Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo dhabo lagu xaqiijinayo in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa habeen hore ku celiyay in aysan joojin doonin hawlgalkooda militari ee Gaza, illaa dhammaadka dagaalka, waxaana uu Wasaaradda Gaashaandhiga ku amray in ay dardargeliso dagaalka ay ku burburinayaan, waxa uu ku sheegay kaabeyaasha Xamaas ee haray.
Militariga Israel ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay Gaza ka bilaabeen hawlgal ballaaran oo dhinaca dhulka ah oo loogu magac-daray (Hawlgalka Gideon Chariots). Netanyahu ayaa ku adkeystay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlgalkan cusub, oo loogu talagalay sida uu sheegay in lagu dhameeyo shaqada dagaalka.
Tallaabooyinka ay qaadayaan reer Yurub ayaa Israel u horseedi doona cawaaqib siyaasadeed iyo mid sharci, oo ka dhalanaya ku tumashadeeda sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka, maadaama ay ka sii go'doomineyso dunida, loona tixgelin doono inay tahay dowlad aan ilaalin xuquuqda aadanaha, oo markii horeba ay ku suntaneyd.
Cadaadiskan ayaa loo maleynayaa in ugu dambayn uu Israel ku riixi doono in ay wax ka bedesho qorshaheedii dagaalka Gaza iyo siyaasaddeedii Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.