Hawlgalka Mareykanka ee Yurub oo sheegay inay qabteen markabka Bella-1
Hawlgalka Mareykanka ee Yurub (USEUCOM) ayaa sheegay in ciidamadooda ay Arbacadan gacanta ku dhigeen markabka shidaalka qaada ee Bella-1, balse dhawaan magaciisa bedelay, kana dhigay Marinera.
Hawlgalka USEUCOM ayaa sheegay in markabkan oo xiriir la leh Venezuela ay ku qabteen Badweynta Atlantic.
Taliska Mareykanka ee Yurub ayaa qoraal ku sheegay in markabkooda dagaalka ee USCGC Munro uu markabkaasi ku qabtay waqooyiga Atlantic.
"Markabka waxaa lagu qabtay waqooyiga Atlantic, iyadoo la raacayo amar Maxkamad Federaal oo Mareykan ah, ka dib markii uu dabagal ku sameeyay USCGC Munro." Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Yurub.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii December sheegay inuu ciidamada faray in la go'doomiyo maraakiibta shidaalka ee ku xadgudbay cunaqabateynta Mareykanka, isla-markaana geliya, kana baxaya dalka Venezuela.
Markabkan oo ku safrayay Calanka Guyana ayaa dhawaan bedelay calankaasi, wuxuuna isku diiwaangeliyay sida markab laga leeyahay Ruushka. Markabkan ayaa daba-yaaqadii bishii December bedelay jihada safarkiisa oo uu u weeciyay dhinaca Ruushka, xilli uu ku sii jeeday Venezuela, si uu uga baxsado in la qabto.
Wararka ayaa sheegaya in Militariga Ruushka ay haatan hawlgeliyaan dhowr markab oo kuwooda dagaalka ah, si looga hortago in Mareykanka uu kaxeysto markabkaasi.
Moscow ayaa la sheegaya in ay si walaac leh u qiimeynayso xaaladda markabkaasi.
Dhaqdhaqaaqyadan ka jira xeebaha Yurub ayaa abuuray walaac amni, waxaana laga cabsi qabaa isku dhac Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka ah.




