Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel oo go'aanka Talyaaniga ku tilmaamay fashil siyaasadeed

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid oo ka falcelinaya ku dhawaaqista Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni ee ku aaddan in Rome aysan cusbooneysiin doonin heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dal ayaa ku tilmaamay fashil kale oo ceeb ah, oo ku yimid Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Gideon Sa'ar.

Talyaaniga ayaa maanta soo afjaray heshiiskii dhanka difaaca ee uu dhowr iyo labaatan sano ka hor la galay Israel, sida ay sheegtay Giorgia Meloni oo u sababeysay colaadda ay Israel ka hurineyso Gobolka Bariga Dhexe.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel ayaa si carro leh Raysal Wasaare Netanyahu ugu eedeeyay inuu jiho khaldan ku wado dalka iyo inuu sababayo qiima dhaca Israel ee caalamka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ku dhalleeceeyay waxqabad la'aan iyo inuu ka sii jeedo wax ka qabashada gadoodka caalamiga ah ee lagu diidan yahay Israel.

"Giorgia Meloni maaha hoggaamiye horusocod ah oo garabka bidix oo Yurub ah. Waxay ku jirtaa xerada garabka midig ee konserfatifka (conservative), waxayna fahamsan tahay baahida loo qabo in lala dagaalamo argagixisada." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel.

Waxa kaloo uu yiri "Dowladdu waxay ku guuldareysatay inay horumariso danaha Israel iyo xitaa dadka ay tahay inay noqdaan saaxiibadayada iyo xulafada dabiiciga ah."

Yair Lapid ayaa sheegay in Israel ay mar kale soo laaban doonto, isla-markaana ay iyagu soo dhisi doonaan dowlad, isagoo tixraacaya doorashada soo socota ee la qabanayo bisha October.

"Waan soo laaban doonnaa, waxaana dhisi doonnaa dowlad, Israel-na waxay mar kale noqon doontaa waddankii uu qof walba jeclaa." Ayuu Lapid u sheegay Wariyeyaasha.

Talyaaniga waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Midowga Yurub, oo ah xulafada labaad ee Israel ugu muhiimsan.