Ingiriiska oo 5 nin u xiray tuhun la xiriira falal argagixiso

Booliska la dagaalanka argagixisada ee Britain ayaa sheegay in ay Talaadadii 5 nin u xireen, tuhuno la xiriiro falal argagixiso.
Booliska ayaa raggan ka soo qabtay Magaalooyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford, oo ay ku badan yihiin Jaaliyadaha Muslimiinta.
Booliska ma shaacin jinsiyadaha raggaasi, balse waxay sheegeen in ay da'doodu u dhaxeyso 26 illaa 67 jir.
Xubnahan ayaa lagu soo oogay qodobka 15 ee sharciga la dagaalanka argagixisada ee la ansixiyay sanadkii 2000, kaas oo sheegaya in ay qorsheynayeen dembiyo argagixiso iyo maalgelinta falal argagixiso.
Raggan ayaa la geeyay Gobolka Galbeedka Midlands, halkaas oo ay ku mareen baaritaan wareysi ah, ka hor intii aan damaanad lagu sii deyn, sida uu booliska gobolkaasi xaqiijiyay.
Booliska ayaa sheegay inaanay hadda jirin khatar degdeg ah, oo ku wajahan amniga shacabka dalkaasi.


