Ingiriiska oo diblomaasiyiintiisa ka daadgureeyay Magaalada Khartoum

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay shaqaalaheeda ka daadgureysay Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Raysal Wasaare Rishi Sunak, Arbacadan.

"Britain ayaa 301 qof ka soo daadgureysay dalka ay colaaduhu ka jiraan ee Suudaan." Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Downing Street.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, gabadha lagu magacaabo Suella Braverman ayaa sheegtay in uu socdo hawlgal kale, oo lagu caawinayo dadka British-ka ah ee ku go'doonsan dalkaasi.

Ingiriiska ayaa Talaadadii bilaabay hawlgalka daadgureynta, ka dib markii dowladaha shisheeye ay ku dhawaaqeen in ay diblomaasiyiintooda ka daadgureynayaan Caasimadda Khartoum.

Khartoum ayaa waxaa toddobaadkii hore ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taageeraya Hoggaamiyaha Militariga Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Hoggaamiyaha Ciidamada RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo.

Dowladaha shisheeye ayaa Sabtidii bilaabay in ay shaqaalahooda ka daadgureeyaan dalkaasi Suudaan, ka dib toddobaad uu dagaal dhiig badani ku daatay.