Ingiriiska oo Israel ugu yeeray inay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada

Ingiriiska ayaa ku biiray dalalka reer Yurub iyo Qaramada Midoobey ee Israel ugu baaqay inay sii deyso shaqaalaha la socda doonida Madleen ee gargaarka u waday Marinka Gaza, balse ay dhexda ka leexsadeen ciidamadeeda oo ula soo dhaqaaqay dekedaha koonfureed ee Israel.

Faransiiska, Sweden iyo Spain ayaa ka mid ah dowladaha ku cadaadinaya Israel in ay sida ugu dhakhsaha badan u sii deyso dadka la socda doonidaasi oo u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa Israel ugu yeeray in ay is xakameyso, isla-markaana ay xaaladda ku xaliso si badbaado leh.

London ayaa waxay sheegtay inay dooneyso in ay aragto Israel oo dejineysa xaaladda ku xeeran la wareegitaanka doonida Madleen iyo dadka la socda, iyada oo la raacayo bay tiri sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Afhayeenka Raysal Wasaaraha Ingiriiska, David Pares oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiska Downing Street ayaa Israel ka dalbaday inay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay horey u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan in Gaza la geeyo gargaar dabooli kara baahida weyn ee ka jirta dhulka la go'doomiyay.

"Waxaan caddeynay mowqifkeenna ku aaddan xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza. Raysal Wasaaraha ayaa xaaladda Gaza ku tilmaamay mid laga naxo oo aan loo dulqaadan karin." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay "Waxaan si cad u sheegnay inay tahay in gargaar dheeraad ah uu gaaro Gaza, iyada oo aan welibana la xanibeynin gargaarka. In la daboolo baahida ba'an ee Gaza waa mid muhiim ah."

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot ayaa sheegay in Paris ay ka shaqeynayso in si degdeg ah ay muwaadiniinteeda dib ugu soo laabtaan Yurub.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku warantay in Madaxweyne Emmanuel Macron uu Israel weydiistay in sida ugu dhakhsaha badan ay dadkaasi ugu soo laabtaan Faransiiska.

Rima Hassan oo ah xubin Faransiis ah oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub ayaa ka mid ah dadka la socda doonida ay Ciidamada Israel ka soo qabteen biyaha caalamiga ah, xilli ay dadkaasi gargaar bani'aadantinimo u wadeen Gaza.

Xubnaha kale ee doonida la socday ayaa waxaa laga xusi karaa haweeneyda reer Sweden ee lagu magacaabo Greta Thunberg. Haweeneydan ayaa xubin ka ah dadka u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Sweden iyo Spain ayaa sheegay in ay Israel ka dalbadeen inay ilaaliso muwaadiniintooda saaran doonidaasi.

Ciidanka Badda Israel oo xoog ku fuulay doonida ayaa qabqabtay dadkii saarnaa doonida Madleen oo uu ka babanayay Calanka Ingiriiska, waana dooni ay maamulaan kooxaha u ololeeya xornimada Falastiin, kuwaas oo uu ujeedkoodu ahaa in gelinka dambe ee Isniintan ay Gaza gaarsiiyaan gargaar ay ku jiraan raashiin iyo caanaha carruurta.

Doonidan ayaa 1-dii bishan ka soo dhaqaaqday xeebaha Catania ee Jasiiradda Talyaaniga ee Sicily, iyadoo ayna la socdeen 12 qof, kuwaas oo uu hadafkoodu ahaa in ay jebiyeen xanibaadda ay Israel ku hayso kaalmada bani'aadantinimo ee aad loogu baahan yahay.

Dadkan oo haysta dhallashooyin kala duwan ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition.