Ingiriiska oo Israel ugu yeeray inay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah

Dowladda Britain ayaa Maamulka Israel ugu yeertay in ay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya weerarada ay ciidamadeeda ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, David Cameron ayaa Talaadadii ku baaqay in Israel ay garowsato in ay yareeyaan khasaaraha dadka rayidka ah, isla-markaana ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

"Israel waa inay gartaan in ay yareeyaan khasaaraha rayidka, waana in ay mar kasta u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada." Ayuu Wasiirku u sheegay Wariyeyaasha.

"Israel waxay sheegtay in ay yar tahay khasaaraha dadka rayidka ah ee ka soo gaaraya hawlgalada ay ka wadaan koonfurta Gaza, marka loo eeggo waqooyiga." Ayuu yiri Wasiirka, oo sida uu muujiyay aan ku qancin warkaasi. 

David Cameron, Raysal Wasaarihii hore ee Britain ayaa ku baaqay in Israel ay dagaalkeeda diiradda ku saarto la dagaalanka Ururka Xamaas, isla-markaana aysan waxyeeleen rayidka aan waxba galabsan.

"Waxaan rabnaa in aan aragno hab qaliin & caafimaad iyo bartilmaameed aad u badan marka ay timaaddo wax ka qabashada Xamaas." Ayuu yiri Cameron.

Cameron iyo dhiggiisa Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa Axaddii qoray maqaal wadajir ah, oo ku baaqaya xabad joojin waarta oo laga dhaqangeliyo Marinka Gaza, ka dib markii ay sheegeen in dad badan oo rayid ah lagu dilay colaadda Gaza.

Ciidamada Israel ayaa shalay illaa xalay boqol qof oo rayid ah ku dilay Marinka Gaza, ka dib duqaymo xoogan oo ay ka gaysteen koonfurta iyo waqooyiga Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.