Ingiriiska oo sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Trump uu ku biirayo dagaalka Bariga Dhexe

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Madaxweyne Donald Trump uu ku biirayo dagaalka Bariga Dhexe, isaga oo markaasi la safanaya dhinaca Israel.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii si degdeg ah uga baxay Shirka Hoggaamiyeyaaasha G7 ee uga socda dalka Canada, isagoona kulan degdeg ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka. Tani ayay dadka qaarkii u fasirteen in uu ku lug yeelanayo dagaalka Bariga Dhexe.

"Ma jirto wax uu Madaxweynuhu sheegay oo soo jeedinaya inuu ku lug yeelanayo iska horimaadkan." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo maanta Saxafiyiinta kula hadlay deegaanka Kananaskis ee Gobolka Alberta ee dalkaasi Canada.

"Bayaanka G7 wuxuu ku saabsanaa dejinta xiisadda gobolka." Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer.

Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa bayaankooda ku dhalleeceeyay Iran inay tahay isha ugu weyn ee xasillooni darrada gobolka, waxayna caddeeyeen inay ka go'an tahay nabadda iyo xasillooida Bariga Dhexe.

"Waxaan si joogta ah u caddeynay in Iran aysan weligeed yeelan karin hub nuclear ah, waxaana boorinaynaa in xallinta xiisadda Iran ay horseeddo dejinta rabshadaha Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabbad joojin laga sameeyo Gaza." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweyne Trump ayaa hadda shir la leh Golaha Amniga Qaranka, iyagoo ku shirsan Qolka Xaaladaha Degdegga, halkaas oo ay kaga wada hadlayaan waxa kaga aaddan amaba ay ka yeelayaan dagaalkan.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu xalay siiyay Warbaahinta CBS ee Mareykanka ku sheegay in uusan raadineyn keliya xabad joojin, balse uu doonayo qaab si dhab ah loogu soo afjarayo dagaalka Israel iyo Iran. Madaxweynaha ayaa sheegay inay ahayd in Iran ay Mareykanka la gasho heshiis ku saabsan barnaamijka nuclear-keeda, haddana ay muhiim tahay in heshiiskaasi la gaaro.

Israel ayaa Aqalka Cad ee Mareykanka ku cadaadineysa in Militariga Mareykanka ay si dhow uga qayb qaataan dagaalkeeda ay ku burburineyso nuclear-ka iyo gantaalada ballaastikada ee Iran.

Israel ayaan haysan nooca bambaanooyinka culus ee loo baahan yahay, si loo burburiyo xarunta weyn ee nuclear-ka Iran ee Fordow (Fordo) oo ku taala buur hoosteeda. Sirdoonada shisheeye ayaa la sheegay inay soo dusiyeen macluumaad la xiriira in Fordo lagu kobciyo uranium-ka dhulka hoostiisa, isla-markaana ay fure u tahay barnaamijka nuclear-ka ee Iran.

Bambaanooyinka culus iyo gantaalada casriga ah ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in ay burburin karaan xaruntaasi, waana sababta ugu weyn ee ay Israel ugu cadaadineyso in uu dagaalkan soo galo.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog oo maanta wareysi siiyay NBC News ayaa sheegay in Israel aysan haysan doorasho aan ahayn in la weeraro Iran, sababtoo ah buu yiri waxay ku degdegeysaa inay hesho hub nuclear ah.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inay doonayaan in Iran ay ka tanaasusho in ay yeelato hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Wasaaradda Difaaca Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa Isniintii si degdeg ah markabka diyaaradaha xambaara ee USS Nimitz ugu soo dirtay Bariga Dhexe. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa NBC News u sheegay in markabkan iyo maraakiib kaleba ay ku wajahan yihiin gobolka. Saraakiishan ma sheegin in maraakiibtaasi ay ka qayb qaadanayaan dagaal ka dhan ah Iran, balse qayb ahaan loo isticmaali doono in gantaalada Iran laga difaaco Israel.

Masoud Pezeshkian, Madaxweynaha Iran ayaa Isniintii sheegay in Iran aysan dooneyn inay sameysato hubka nuclear-ka, ha yeeshee ay sii wadi doonto xaqa ay u leedahay inay yeelato tamarta nuclear-ka.

"Waxaan xaq u leenahay inaan ka faa'iidaysano tamarta nuclear-ka iyo cilmi baaris faa'iido u leh bulshadan, mana jirto cid noo diidi karta xaqa aan u leenahay." Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian.

Dadka ayaa waxay isweydiinayaan in Mareykanku uu dagaalkan ku biiri karo iyo in kale. Khubarada ayaa waxay qabaan in Maamulka Trump aanu ku degdegi doonin dagaalkan, marka aad eegto Iran oo ah dal militari ahaan xoog badan.

Iran ayaa haysata boqolaal kun oo isugu jira gantaalada ridada dheer iyo ridada dhexe, kuwaas oo si toos ah u burburin kara dhammaanba saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalalka gobolka.

Tallaabo kasta oo militari oo Mareykanku uu ka qaado Iran waxay yeelan doontaa cawaaqib aan la mahdin doonin, waana asbaabaha uu Trump u miisaamayo dagaalkan.

Sidoo kale waxaa jirta arrin kale oo Trump ku khasbeysa in uu laba jeer fekero, ka hor inta aanu maamulkiisu wax ficil ah samayn, taasoo ah cadaadiska sii kordhaya ee gudaha ee gebi ahaanba lagu diidan yahay taageerada indha la'aanta ee Israel.

Dagaalka Gaza ayaa sare u qaaday wacyiga bulshada xulafada reer galbeedka, waana sababta dalalka Yurub iyo Mareykanka aysan illaa iyo hadda ugu soo gurman Israel, iyadoo welibana dhexda kaga jirta xaalad aad u khalafsan.

Marka arrimahan oo dhan la isku soo xooriyo, Trump waa mid u baahan in uu si dhow uga fiirsado tallaabada uu maamulkiisu qaadi karo.