Ireland, Norway iyo Spain oo aqoonsaday Falastiin

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsanayaan Dowladda Falastiin, iyadoo dalal kale oo reer Yurub ahna la rajeynayo in iyana ay aqoonsadaan.

Raysal Wasaaaraha Ireland, Simon Harris ayaa sheegay in saddexdaasi dowladood ay ku dhawaaqayaan inay aqoonsadeen Dowladda Falastiin.

"Ireland, Norway iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsanahay Dowladda Falastiin." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Dublin.

Raysal Wasaare Harris ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dalalka kale ee Yurub ee iyana ay aqoonsadaan Dowladda Falastiin.

"Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah, si loo dhaqangeliyo go'aankaas." Ayuu yiri Harris.

Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain ayaa isna sheegay in hadafkoodu uu yahay dardargelinta dadaalada lagu xaqiijinayo xabad joojin rasmi ah oo laga gaaro dagaalka Ciidamada Israel iyo Xamaas ku dhex maraya Marinka Gaza.

“Waxaan rajeynaynaa in aqoonsigeenna iyo sababaheenna ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Spain.

Raysal Wasaaraha ayaa yiri "Waxaa sii kordheysa awoodda aan u yeelanayno in aan xabad joojin samayno, si loo sii daayo la haysteyaasha lagu haysto Marinka Gaza, si dib loogu bilaabo hannaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed."

Raysal Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Store ayaa dhankiisa muujiyay in dunida ay ka daashay colaadda ku soo noqnoqotay gobolka, xalka ugu muhiimsan ee lagaga gudbi karaana uu yahay in la helo xal siyaasadeed oo heshiis ay ku yihiin Falastiiniyiinta iyo Israel.

"Laba dal oo hal dhinac ku wada yaala oo nabad iyo amni ku wada nool, waa waxa aynu doonayno." Ayuu yiri Jonas Gahr Store.

Spain waa dalka ololaha ugu weyn ka dhex wada wadamada Yurub, si loo helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool, waana qorshaha ay isla qaateen labada dal ee Norway iyo Ireland.

Saddexdan dal ayaa laga bilaabo 28-ka bishan si buuxda u aqoonsan doona Dowladda Falastiin.

Tani ayaa shacabka Falastiiniyiinta uga dhigan guul muhiim ah oo tobanaan sano ay ka gaareen dhinaca siyaasadda.