Jarmalka oo sheegay in ciidan uu u dirayo Lithuania, si loo xoojiyo xadka bari ee NATO

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in 4,000 oo askari u dirto dalka Lithuania, si loo adkeeyo amniga xuduudda bari ee Gaashaanbuurta NATO.
Wasiirka Difaaca Jarmalka, Boris Pistorius ayaa sheegay in dalkiisa uu soo jeedinayo in ciidankaasi uu geeyo dalkaasi, si loo xoojiyo buu yiri garabka bari ee difaaca NATO.
"Jarmalka waxa uu diyaar u yahay in si aan ku-meel-gaar ahayn uu ciidamadayada halkaasi u geeyo, si loo xoojiyo garabka bari ee difaaca NATO." Ayuu yiri Wasiirka oo maanta booqanayay dalkaasi Lithuania.
Wasiirka ayaa yiri "Jarmalku waxa uu diyaar u yahay in uu si joogto ah u dejiyo guutooyin adag Lithuania, waxaana marka hore diyaarinaynaa goobihii ay degi lahaayeen."
Jarmalka ayaa horey kun askari oo xoojin ah ugu diray dalkaasi, oo xuduud la leh Gobolka Kaliningrad ee Ruushka.
Hadalka Wasiirka Difaaca Jarmalka ayaa imaanaya, ka dib markii Dowladda Lithuania ay Berlin ka codsatay inay ciidamo u soo dirto dalkeeda.
Berlin ayaa kol hore ballanqaaday in ay difaaci doonto Vilnius, haddii uu weerar kaga yimaado Moscow.
Vilnius ayaa isku diyaarineysa inay 11-12 bisha July martigeliso shir madaxeedka NATO, oo looga hadlayo duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo khatarta xulafada kaga iman karta Moscow.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa maanta dalka Luxembourg ka sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu waxyeeleeyay awoodda Ruushka, isla-markaana uu saameyn ku yeeshay nidaamka siyaasadda ee Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga arrimiyo.
Borrell ayaa walaac ka muujiyay in quwad nuclear oo sida Ruushka oo kale ah ay gasho marxalad xasillooni darro oo siyaasadeed, ka dib rabshadihii Sabtidii ka dhacay dalkaasi, markii ay gadood sameeyeen ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner.


