Jarmalka oo ugu dambayn dhalleeceeyay Israel

Jarmalka ayaa ku biiray dalalka reer galbeedka ee dhalleeceynaya Israel, isla-markaana diidan weerarada ay ciidamadeeda ku hayaan goobaha ay degan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan iyo weliba xarumaha kale ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay xuduudda koonfureed ee dalkaasi.

Ciidamada Israel ayaa maalmihii la soo dhaafay weerar ku hayay Xerada Ciidanka Hawlgalka UNIFIL ee ku taala xuduudda, iyadoo Axaddii oo ugu dambeysay ay xoog ku galeen saldhig labaad ay ku sugan yihiin ciidamadaasi, ka dib markii ay taangiyadooda ku jebiyeen albaabka laga galo. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in weerarku uu dhaawac fudud ka soo gaaray 15 ka mid ah ciidamadeeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa ku tilmaamtay gelitaanka Saldhigga Ciidanka UNIFIL mid aan gebi ahaanba la aqbali karin, iyadoona Israel ugu baaqday inay joojiso habdhaqankeeda aan la ogolaan karin.

Wasaaradda ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Israel ay waajib ku tahay in dagaalka ay ka weeciyaan Xarumaha Qaramada Midoobey.

"In la rasaaseeyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey iyo in lagu khasbo inay xeryahooda banneeyaan waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Jarmalka waa dalkii ugu dambeeyay dalalka reer galbeedka ee dhalleeceeya weerarada Ciidamada Israel ay ku hayaan Ciidanka Hawlgalka UNIFIL, iyadoona Militariga Jarmalka ay qayb ka yihiin hawlgalkaasi.

Dhanka kale Dhanka kale warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Talyaaniga, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa caawa looga dalbaday Israel inay joojiso cadaadiska ay ku hayso UNIFIL.

Afarta waddan waxay dib u xaqiijiyeen doorka xasillinta muhiimka ah ee UNIFIL ee koonfurta Lubnaan iyo dhulka xuduudda, iyagoo intaa ku daray in Israel iyo Xisbullah ay tahay inay mar walbaba xaqiijiyaan badbaadada Ciidanka UNIFIL.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, taas oo uu ugu sheegayay in ciidamada laga raro goobaha ay ka degan yihiin xuduudda.

Wasiirka Tamarta Israel, Eli Cohen ayaa sheegay in Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ay yihiin kuwo aan wax tar lahayn, ayna tahay in halkaasi ay ka guuraan.

Wasiirka ayaa sheegay inay ciidamadaasi ku guuldareysteen in ay shacabka Israel ka difaacaan weerarada Xisbullah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa si adag u cambaareeyay culeyska ay Israel ku hayso Xoogaga UNIFIL, isagoo dhanka kalena ka difaacay eedeymaha ay u jeedinayaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

"In la weeraro Ciidanka Qaramada Midoobey ma ahan wax la aqbali karo." Ayuu yiri Josep Borrell oo intaasi ku daray "Waxaan rabaa inaan xusuusiyo dhammaan inaysan arrintan ahayn mid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu go'aaminayo in hawlgalkan uu sii joogo iyo inuusan sii joogin. Waa go'aan uu qaadanayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey."

Israel ayaa xusul-duub ugu jirto in ciidamadeeda ay la wareegaan saldhigyada ciidamadaasi, si ay uga la dagaalamaan Ururka Xisbullah.