Jeneraal Russian ahaa oo lagu dilay Magaalada Moscow
Weerar u muuqday in si weyn looga soo shaqeeyay ayaa maanta lagu dilay General Igor Kirillov oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Ruushka.
Jananka oo hadda ahaa Madaxa Ciidanka Nukliyeerka, Baayolajiga & Ilaalinta Kimikada ee Ruushka ayaa lagu dilay qarax lagu soo xiray mootada nooca korontada ku shaqeysa, taas oo la soo dhigay afaafka hore hoygii uu ka deganaa Magaalada Moscow.
Guddiga Dembi Baarista Ruushka ee baara dembiyada waaweyn ayaa sheegay in ninkaasi iyo kaaliyihiisiiba lagu dilay qaraxan, oo sida ay sheegeen ka dhacay xaafadda Ryazansky Prospekt ee koonfur bari Moscow.
Guddiga ayaa qoraal ku sheegay in goobta uu weerarku ka dhacay ay illaa 7km u jirto Aqalka Kremlin-ke ee Ruushka looga arrimiyo.
Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa Saraakiisha Ciidamada ka soo xigatay in weerarka loo adeegsaday walxa qarxa oo culeyskoodu uu gaarayo 300 garaam oo maadada TNT ah, isla-markaana uu qaraxu ahaa midka meelaha fogfog laga hago. Maadada Trinitrotoluene (TNT) waa nooc ka mid ah kiimikooyinka la farsameeyo ee loo adeegsado qaraxyada.
Warbaahinta Ruushka ayaa dib ka shaacisay magaca qofka labaad ee ku dhintay qaraxii Talaadadan, kaas oo magaciisa ay ku sheegtay Ilya Polikarpov oo caawiye ama kuxigeen u ahaa jananka.
Adeegga Amniga Ukraine ee SBU ayaa sheegtay masuuliyadda dilka General Igor Kirillov, waxayna ku eedeeyeen in uu ahaa dembiile dagaal oo amray weeraro gantaalo oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Ukraine.
Weerarka ayaa imanaya, xilli Isniintii shalay ay SBU ay furtay baaritaan ka dhan ah dembiyada loo haysto ninkaasi, oo ay ka mid yihiin inuu hagayay hubka kiimikada ee la mamnuucay, oo sida ay sheegeen ay Ciidamada Ruushka u adeegsadeen dagaalka Ukraine, inkastoo Moscow ay marar badan sheegtay inaysan haysan nooc kasta oo hubka kiimikada ah, wixii ay haysatayna ay baabi'isay sanadkii 2017.
General Kirillov oo 54 jir ahaa ayaa waxaa cunaqabateyn saaray dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Canada, sababo ku aaddan in uu dembiyo dagaal ka gaystay dalkaasi Ukraine.
Ingiriiska oo cunaqabateyn saaray Kirillov bishii October ayaa ugu yeeray afhayeen muhiim u ah Kremlin-ka iyo faafinta wararka been abuurka ah, si uu u daboolo waxa ay ku sheegeen dhaqanka ceebta iyo khatarta ah ee Ruushka.
Weerarkan lagu bartilmaameedsaday jananka ayaa muujinaya in Ukraine ay gacanteedu gaari karto bugcad kasta oo Caasimadda Mocow ah, wuxuuna farriin u diraya Saraakiisha kale ee Ruushka ee halkaas ku sugan inaysan ku nabadgeli doonin gudaha Ruushka.
Hay'adaha ammaanka ee Ukraine ayaa u muuqda inay kordhinayaan beegsiga ka dhanka ah shakhsiyaadka muhiimka ah ee Ruushka ee khibradahooda iyo xirfadahooda ay ahmiyadda u leeyihiin dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine.
Sirdoonka Ukraine ayaa lala xiriiriyay dil 12-kii bishan Saynisyahan Russian ahaa loogu gaystay duleedka Magaalada Moscow. Saynisyahankan ayaa lagu magacaabi jiray Mikhail Shatsky.
Sidoo kale Ukraaniyiinta ayaa 13-kii bishii November qarax baabuur ku dilay Valery Trankovsky, oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Badda Ruushka, waxaana lagu dilay Jasiiradda Crimea ee Ukraine laga haysto.
Dilalka soo badanaya ee ka dhanka ah xirfadleyaasha Ruushka ayaa muujinaya in Kyiv ay u jiheysaneyso hawlgalo saaxada looga saarayo shakhsiyaadka sare ee muhiimka u ah duulaanka Ruushka ee Ukraine.