Khasaaraha weerarkii Caasimadda Moscow oo kordhay

Waxaa kordhay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarkii hubeysnaa ee xalay ka dhacay Magaalada Moscow ee xarunta dalkaasi Ruushka.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee Taas ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 60 qof, dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 145 qof.

"145 qof oo dhaawac ah ayaa la dhigay goobaha caafimaadka. Lixdan ka mid ah ayay xaaladdoodu garaab tahay." Ayay ku warantay Tass.

Adeegga Samatabixinta Ruushka ayaa mar sii horreysay sheegay in illaa 100 qof ay ka soo daadgureeyeen qaybta hoose ee hoolka.

Barasaabka gobolka, Andrey Vorobyov ayaa sheegay in ay sameynayaan wax kasta oo lagu badbaadin karo nolosha dadkaasi.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay weerarkan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka RIA.

"Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhakhaatiirta la tacaaleysa xaaladda dadkii dhaawacmay." Ayay sheegtay RIA.

Weerarkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii kooxo hubeysan ay toogasho u gaysteen dadweyne ku sugnaa hoolka Crocus, halkaas oo bandhig faneed ay ku qabanayeen fannaaniin u dhashay dalkaasi.

Ragga weerarka gaystay ayaa la sheegay in si aan kala sooc lahayn ay rasaas ugu furayn dadkii halkaasi ku sugnaa.

Muuqaal laga helay goobta ayaa muujinaya shakhsi hubeysan oo toogasho ka bilaabaya gudaha hoolka. Muuqaalka ayaa sidoo kale laga arki karay, ka dib markii uu ninkaasi qarsoomay dab ka kacaya hoolka riwaayadaha.

Muuqaal kale ayaa waxaa ka soo muuqday dhowr nin oo kale oo toogasho ka gaysanaya mid ka mid ah albaabada laga galo hoolka riwaayadaha.

Ugu yaraan afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca ayaa lala xiriirinaya inay gaysteen weerarka lagu qaaday dadweynihii halkaasi isugu yimid daawashada bandhiggii ay qabanayeen kooxda Picnic.

Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Warbaahinta afkeeda ku hadasha ee Amaq News Agency.

Qoraalka ayaa lagu xusay in dableyda weerarka gaysatay ay ka baxsatay dhismaha caanka ah ee Crocus.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Maria Zakharova ayaa weerarka ku tilmaamtay fal aad u fool xun.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa bilaabay inay cambaareeyaan weerarkaasi, oo wax naxdin ah ku noqday dadka dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda cambaareysay weerarkaasi. Barta Villa Somalia ee X ayaa la soo dhigay qoraal uu Madaxweynuhu ku cambaareynayo weerarka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Caasimadda Moscow, muddo tobanaan sano ah.