Madaxda Ruushka iyo Shiinaha oo maanta kulan ku leh Magaalada Moscow

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo maalintii labaad booqasho ku jooga Caasimadda Moscow ayaa waxa uu Talaadadan kulan kula leeyahay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah.
Arrinta koowaad ee miiska saaran ayaa ah, sidii wada hadal loogu dhammeen lahaa colaadda dalka Ukraine, oo Shiinuhu uu soo jeediyay in wada hadal lagu soo afjaro colaadda dalkaasi.
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Labada Hoggaamiye ay si dhow uga wada hadli doonaan soo jeedinta Shiinaha.
"Dabcan Ukraine ayaa ka soo muuqan doonta ajandayaasha ay ka wada hadlayaan Labada Madaxweyne. Madaxweyne Putin ayaa bixin doona caddeyn dhameystiran, si Madaxweyne Xi Jinping uu u helo muuqaal gacanta koowaad ah ee xaaladda hadda jirta ee dhanka Ruushka." Ayuu yiri Afhayeenku.
Beijing ayaa gadaal ka riixeysa hindise ka kooban 12 qodob, oo ay u aragto in xal lagaga gaari karo dagaalka sanadka labaad ka socdo dalkaasi.
Marka laga soo taggo arrinta Ukraine, saliidda iyo dhuxul-dhagaxa uu Shiinaha ka soo dhoofsanayo Ruushka, dhinacyada ayaa sii horumarin doona iskaashiga ay ka leeyihiin teknoloojiyadda casriga iyo sahminta hawada sare.
Kulankoodan ayaa imaanaya, xilli Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ay Jimcihii ku baaqday in la soo xiro Madaxweyne Putin, oo sida ay sheegtay loo haysto eedeymo la xiriira in carruur reer Ukraine ahi uu si khasab ah kaga musaafuriyay dalkooda.
Waa booqashadii ugu horreysay ee Hoggaamiyaha Shiinaha ku taggo dalka Ruushka, tan iyo intii Moscow ay weerartay Ukraine, waana safarkiisii koowaad ee dibadda ugu amba-baxo, tan iyo markii 10-kii bishan, markiisii saddexaad dib loogu soo doortay xafiiska.


