Madaxweynaha Belarus oo booqasho uga bilaabatay Shiinaha

Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko ayay Talaadadan booqasho saddex maalmood ah uga bilaabatay dalka Shiinaha, xilli uu sii xumaanayo xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Beijing kula kulmi doona dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, oo uu kala hadli doono dagaalka Ukraine iyo taageerada militari ee Ruushka. 

Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in ay kaga wada hadlaan hindisaha ay Dowladda Shiinaha soo jeedisay, ee lagu soo afjarayo colaadda dalka Ukraine.

Lukashenko oo xulafo dhow la ah Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ammaanay doorka weyn Beijing ee dunida, isagoona sheegay inaanay maanta cidina xakameyn karin saameynta sii kordheysa ay Beijing ku leedahay caalamka.

Booqashadiisan Shiinaha ayaa ku soo aadaysa, xilli Mareykanka iyo Reer Galbeedka ay walaac ka qabaan in Beijing ay taageero militari siiso Ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine.

Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyay in uu ka fekerayo nooca kaalmada militari ee uu siin karo Mascow, taasoo Washington ay sheegtay inay keeni doonto cawaaqib xumo.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaase sheegay in uu doonayo in uu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, bal si uu uga la hadlo qorshaha soo jeedinta nabadeynta ee Shiinaha u arko in lagu soo afjari karo colaadda dalkiisa.

Shiinaha ayaa dhawaan soo bandhigay hindisahan oo ka kooban 12 qodob, si xal loogu helo colaadda sanadka labaad ka socoto dalkaasi. Hindisaha ayaa lagu cambaareeyay taageerada halka dhinac ee Isbahaysiga NATO.