Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay joojinta dhoofinta ee badarka Ukraine
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay inaanan laga hadli karin is hortaagga uu dalkiisu ku sameeyay heshiiskii badarka Badda Madow ee ay Ukraine dibadda ugu dhoofin jirtay dalageeda beeraha.
Ruushka ayaa bartamihii bishii July ka baxay heshiiskaasi oo Ukraine u ogolaanayay inay si nabdoon dibadda ugu iibgeyso wax soosaarkeeda beeraha, ka dib markii ay Moscow sheegtay inaanay wax faa'iido ahi ku qaban heshiiskaasi oo hal sano jiray, isla-markaana aanay dib u cusbooneysiin doonin.
Madaxweyne Putin oo ka barbar hadlayay shir jaraa'id oo si wadajira ay u qabteen dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo Isniintii ay ku kulmeen Magaalada Sochi ayaa sheegay si wax looga qabto cunno yarida dunida ka jirta ay go'aansadeen in sarreen dhan hal milyan oo tan ay u diraan qaar ka mid ah dalalka Afrika.
"Ka Ruushka ahaan, inkastoo ay caqabado jiraan waxaan go'aansanay inaan sii wadno dhoofinta cuntada iyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha, si taasi ay gacan uga gaysato xasillinta qiimaha iyo hagaajinta xaaladda wax soosaarka ee beeraha caalamka." Ayuu yiri Madaxweyne Putin.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray "Ujeeddooyinkan waan sii wadaynaa, si loo abaabulo dhoofinta hal milyan oo tan qamadi ah oo laga qaadayo Ruushka, lana sii marinayo Turkiga, ka dibna gaadiid bilaash ah loogu qaado dalalka ugu saboolsan dunida."
Madaxweyne Putin ayaa Erdogan u sheegay in heshiiskii dhoofinta ee badarka Ukraine uu dalkiisu ku soo laaban doono, kolka ay Reer Galbeedku buuxiyaan shuruudaha Moscow.
Dhanka kale Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inaanay Moscow ebid diidin wada hadalo lala galo Kyiv.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan sheego in Ruushka uusan weligiisa diidin wada hadalo nabadeed oo lala galo Ukraine, haddana ma diidanin. Madaxweyne Erdogan ayaan arrimahan ku soo hadalqaadnay kulankeennii, waana u xaqiijiyay." Ayuu yiri Putin.
Madaxweyne Erdogan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dadaal ugu jiray, sidii dib loogu soo noolleen lahaa heshiiskii Badda Madow, ee ay garwadeenka ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey.
Putin ayaa doonaya si heshiiskaasi uu ugu soo laabto in dalkiisa laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ay saareen wadamada Reer Galbeedka.
Putin ayaa sheegay in loo baahan yahay in marinada Badda Madow aan loo isticmaalin arrimo ciidan, haddii taasi wax laga qabtana ay Moscow ku soo laaban doonto heshiiska maalmo gudahood.
Aqalka Kremlin-ka ayaa ka cabanaya xanibaadaha maraakiibta iyo caymiska oo caqabad ku noqday ganacsigiisa beeraha, inkastoo Ruushka uu xaddi badan oo qamadi ah uu sanadkii hore u iibgeeyay caalamka.
Erdogan ayaa dhinacyada ugu baaqay in wax laga qabto caqabadaha jira, si heshiisku uu u sii shaqeeyo.
Heshiiskan ayaa loo arkayay mid muhiim u ah saadka cunnada adduunka, gaar ahaan Afrika, Bariga Dhexe iyo qaybo kaloo Asia ah.






