Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay weerar maanta ka dhacay Magaalada Moscow
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka hadlay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday oo maanta ka dhacay Caasimadda Moscow.
Kooxo aan la garanayn ayaa bartilmaameedsaday rug muhiim ah oo ku taala magaaladaasi, iyadoona inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen laba qof.
Madaxweynaha Ruushka ayaase weerarka Talaadadii ku eedeeyay Dowladda Ukraine, oo sida uu sheegay isku dayday inay cabsi geliso Ruushka.
Madaxweynaha oo caawa la hadlay Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay in weerarkan uu u muuqdo mid ay Ukraine kaga jawaabeysay weerarka uu Ruushku ku qaaday sida uu yiri Xarunta Sirdoonka Militariga Ukraine.
"Iyadoo taas laga jawaabayo Maamulka Kyiv wuxuu doortay waddo kale, oo ah isku day lagu cabsi gelinayo Ruushka, si loo baqdin geliyo muwaadiniintayada." Ayuu yiri Madaxweyne Putin.
Madaxweyne Putin ayaa intaasi ku daray "Tani way iska caddahay, waxayna caalamad u tahay ficilada argagixisada."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegtay in taageerada Reer Galbeedka ee Ukraine ay keentay in Madaxda Ukraine ay ku kacaan falal dembiyeedyo argagixiso, oo sida ay sheegtay aan laga fiirsan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaase ku celisay inaanay Washington taageersanayn in weeraro laga gaysto gudaha Ruushka, taageeradoodana ay ku kooban tahay in Ukraine ay dalkeeda difaacato oo keliya, waxay kaloo sheegtay in weli ay uruurinayaan macluumaadka la xiriira duqayntii maanta ka dhacday Moscow.
Dowladda Ukraine ayaa iska fogeysay masuuliyadda weerarkaasi, balse Sarkaal u hadlay Kyiv ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin weerarkaasi.
Mykhailo Podolyak, La taliyaha Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Kyiv ay u riyaaqday daawashada, waxa uu ku sheegay dhacdooyinka dhacaya.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Moscow, tan iyo markii Ruushku uu weeraray dalkaasi Ukraine.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in weerarkaasi loo adeegsaday sideed diyaaradood oo kuwa bilaa duuliyaha ah, qaarkoodna laga weeciyay bartilmaameedyadii lala damacsanaa.
"Saddex ka mid ah waxaa lagu xakameeyay dagaal elektaroonik ah, kuwaa oo ka weecday bartilmaameedyadii ay damacsanaayeen. Shan diyaaradood oo kale ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada ee Pantsir." Ayay lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.
Duqayntan ayaa imaanaysa, xilli Ruushka uu habeenadii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Caasimadda Kyiv.








