Madaxweynaha Ukraine oo dhalleeceeyay go'aanka Hoggaamiyeyaasha NATO

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa si kulul u weeraray Hoggaamiyeyaasha NATO ee shirku uga socdo Magaalada Vilnius ee dalkaasi Lithuania ee ka horyimid ku biiritaanka dalkiisa ee Gaashaanbuurta NATO.
Madaxda NATO ayaa si cad uga horyimid in la muddeeyo xilliga Dowladda Ukraine ay si rasmi ah xubin uga noqoneyso isbahaysiga militari.
Madaxweynaha Ukraine ayaa wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay in madaxdu ay iska diidaan jadwaleynta goorta dowladdiisu ay xubin ka noqon karto xulafada.
Madaxweynaha ayaa hubinti la'aantooda ku sheegay mid ka tarjumeysa daciifnimo, iyagoo ka dheregsan in Ruushku uu si gardaro leh ugu soo duulay sida uu yiri Ukraine.
Isagoo ka hadlayay madasha shirka ayuu madaxda ku eedeeyay inaysan u muuqan kuwo diyaar u ah in Ukraine lagu casuumo NATO amaba ay xubin ka noqoto.
Ka dib dhalleeceynta Madaxweynaha Ukraine, Dowladaha NATO ayaa sheegay in Kyiv ay ku biiri karto NATO, marka madaxda ay ka heshiiyeen, shuruudahana la dhameystiro.
Farriinta Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa ah in Ukraine aanay xubin ka noqon karin isbahaysiga, inta ay dagaal kula jirto Ruushka.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in waqti la'aanta la isku afgartay ay la macno tahay in xubinimada dalkiisa ay ugu dambayntii noqon karto heshiis gorgortan ah.
Zelenskyy ayaa doonaya in NATO uu ka helo damaanad ah in dalkiisu uu si dhakhsi ah ugu soo biiri karo xulafada, marka uu dhammaado dagaalka.
Dhanka kale Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa waxaa suurtagal ah in Arbacadan ay sameeyaan gole cusub oo la magac-baxay Nato-Ukraine, kaas oo Ukraine awood u siinaya in markay doonto ay kulan isugu yeeri karto isbahaysiga oo dhan.
Madaxda NATO ayaa ka mideysan in ay sii wadaan kaalmada militari ee ay Ukraine siiyaan, si ay u muujiyaan sida ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku sheegeen gardarada Ruushka.


