Madaxweynaha Ukraine oo ka digay in dagaalka dalkiisa uu daba dheeraado

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Dowladda Ruushka ku eedeeyay in ay ku humineyso in colaadda dalkiisa ay noqoto mid sii daba-dheeraata, isagoona taasi ka digay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkiisu uu u baahan yahay waqti dheeri ah, ka hor inta aanu weerar rogaalcelin ah ku qaadin Ruushka, isaga oo tani u sababeeyay in ciidamadiisu ay weli sugayaan kaalmo militari, oo ay horey u ballanqaadeen xulafadooda.

"Maskaxiyan diyaar ayaan nahay, marka la eego sida ciidamadeenu ay u dhiiran yihiin diyaar ayaan nahay, marka la eego guutooyinkii ku filnaa diyaar ayaan nahay, marka la fiiriyo qalabka ciidamada, wax walba nooma wada imaan, waxaana filaynaa in gawaarida qufulan ay qayb qayb nagu soo gaari doonaan." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan sii isticmaali karnaa waxa aan haysano, waxayse ila tahay inaan guul weyn gaari karno, balse dad badan ayaan weyn doonnaa, mana ahan mid la aqbali karo."

Madaxweyne Zelenskyy oo BBC la hadlay ayaa yiri "Waxaan u baahanahay inaan taageerada militari sugno, waxaan u baahanahay waqti dheeraad ah."

Ciidamada Ruushka ayaa dagaalka ku qabsaday boqolkiiba (20%) dhulka Ukraine, iyadoona Ruushku uu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi. Baarlamaanka Ruushka ayaana horaantii bishii October cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Duulaanka Ruushka ee dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaaso 124 kun illaa 131 kun, kuwaa oo u badan askarta labada dal, waxaana ku barakacay illaa 16 milyan oo shacabka Ukraine ah, kuwaa oo 8 milyan oo ka mid ahi ay maanta qaxooti ku yihiin dalalka Yurub.