Madaxweynaha Ukraine oo la kulmay Erdogan, isagoo diidan shirka Sacuudiga

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa safar degdeg ah ugu ambabaxay Magaalada Ankara, si uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ugu muujiyo, sida uu uga soo horjeedo shirka Mareykanka iyo Ruushka uga furmay dalkaasi Sacuudiga, isagoona dhinaca kalena ka codsaday in uu qayb ka noqdo wada hadalada, si loo helo damaanad xoog badan.

Shirka Caasimadda Riyadh ayaa loogu gogol-xaaraya, sidii loogu soo afjari lahaa dagaalka Ukraine, ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Saraakiisha Ruushka iyo Mareykanka oo keliya, iyadoo aysan Ukraine wax door ah ku lahayn. Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaana horey u qaadacay shirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in Ukraine iyo xulafada reer Yurub laga la tashaday shirka, tiiyoo aan haddana miiska wada hadalka lagu arkin masuuliyiin ka socda Ukraine iyo xitaa Yurub oo goobjoog ka ah wada-xaajoodyada miiska wada hadalka.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inaanan lagu soo casuumin shirka, maadaama looga hadlayo masiirka dalkooda. Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wax kasta oo shirka ka soo baxa, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan soo dhaweyn doonin natiijo kasta oo Washington iyo Mocow ay gaaraan, inta Kyiv ay ka maqan tahay wada hadalka.

Hoggaamiyaha Ukraine oo shir jaraa'id ku qabtay Ankara ayaa Boqortooyada Sacuudiga ugu baaqay inay qabato wada hadal caddaalad ah, isla-markaana ay dib u dhigto shirka.

Zelenskyy ayaa sheegay in shirka ay tahay in lagu soo martiqaado Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska, haddii la doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka dalkiisa.

"Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska waa inay ku lug yeeshaan wada hadalada iyo horumarinta damaanadaha amniga ee lagama maarmaanka u ah Mareykanka ee ku saabsan masiirka qaybteenna adduunka." Ayuu yiri Zelensky.

Zelensky ayaa shirkiisa jaraa'id ku dhalleeceeyay shirka labada geesoodka ah ee Ruushka iyo Mareykanka ay ku keliga yihiin, isla-markaana looga hadlayo mustaqbalka Ukraine, iyadoo uusan jriin wakiil qura oo ku metelaya shirkaasi.

Zelenskyy ayaa ku nuuxnuuxsaday inuusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in Ruushku uu qaato dhul ay Ukraine leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in joojinta colaadda Ukraine ay tahay in la wada aqbalo, dhammaan Ukraine, Yurub iyo Ruushka.

Madaxweyne Donald Trump oo ah midka riixaya wada hadalada Riyadh ayaa la sheegaya in uu Ukraine dirqi kaga dhigi doono inay aqbasho in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad.

Ruushka ayaa horey dagaalka ugu qabsaday in ka badan boqolkiiba labaatan dhulka Ukraine, iyadoona Baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay sharci lagu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xilligaasi wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.

Muddadii Ukraine ay dagaalka kula jirtay Ruushka waxay taageerada ugu badan ka heleysay Dowladdii Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden, taasoo hadda u muuqato mid meesha ka baxday.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee bishii November ku ololeynayay in haddii la doorto uu joojin doono taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine, isla-markaana uu muddo gaaban ku soo afjari doono dagaalka Ukraine iyo Ruushka.