Madaxweyne Putin oo shuruud ku xiray wada hadal uu dalkiisu la galo Ukraine

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ukraine, haddii Reer Galbeedku ay joojinayaan taageerada militari ee ay dalkaasi siiyaan.

"Ruushka waa u furan yahay wada hadal nabadeed oo uu la galo Ukraine, waa haddii Reer Galbeedku ay joojinayaan hubeynta Ukraine." Ayuu yiri Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeys militari oo dalkaasi laga leeyahay.

Wareysiga Madaxweynaha oo si toos ah looga baahiyay Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa ku celiyay eedeyntiisii ahayd in Reer Galbeedku ay doonayaan inay Ruushka kaga adkaadaan dagaalka Ukraine, taas oo uu muujiyay inaanay suurtagal ahayn.

Waxa uu sheegay in Moscow ay leedahay qorshe nabadeed oo ku aaddan Ukraine, balse ay mushkiladdu tahay Galbeedka oo haadaan ka tuuraya Kyiv, sida uu yiri.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay weerarada muddooyinkii ugu dambeysay ay Ukraine ka gaysatay dalkiisa ayaa sheegay in Kyiv ay tiro isku dayo ah sameysay, balse aanay ku guuleysan.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa tilmaamay in Moscow ay si wanaagsan ugu diyaargarowday weerarada dibadda, nidaamkeeda difaacuna uu yahay mid dhameystiran.

"Khasaaraha Ukraine toban jeer ayuu ka badan yahay kan Ruushka. Ukraine waxay lumisay 25-30 boqolkiiba baabuurta dibadda laga keeno." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa iska fogeeyay in dowladdiisu ku lug leedahay burburintii 6-dii bishan lagu sameeyay biyo xireenka Nova Kakhovka ee Gobolka Kherson, isagoona Ukraine ku eedeeyay inay si ula kac ah u burburisay biyo xireenkaasi.

"Ukraine iyadaa burburisay biyo xireenka Nova Kakhovka, si ula kac ah ayay ugu garaacday gantaalka HIMARS." Ayuu yiri Madaxweynuhu.  

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray "Anigoo ka xun, haddana taasi waxay caqabad ku noqotay weeraradooda."

Mar wax laga weydiiyay sababta horaan ay Moscow bartilmaameed uga dhigatay xarumaha tamarta ee Ukraine ayaa sheegay inay taasi jawaab u ahayd Ukraine oo ka soo gudubtay waxa uu ugu yeeray 'khadka cas' ee Moscow.

Wareysiga Madaxweynaha oo dhinacyo kala duwan taabanayay, haddana mar uu ka hadlayay dhanka wax soosaarka hubka ee Ruushka ayaa wuxuu sheegay in dalkiisu uu sanadkii hore kordhiyay in ka badan laba laab, hubkii uu soo saari jiray.

Si kastaba ha-ahaatee colaadda Ukraine ayaa kaga sii dartay xurgufta Ruushka iyo Mareykanka & Yurubta Galbeed oo isku dhinac ah.