Madaxweyne Zelenskyy oo si adag u beeniyay in Ruushku la wareegay Bakhmut

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa beeniyay in Ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada bariga dalkaasi ku taalo ee Bakhmut.

Xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegay in ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Bakhmut, ka dib dhowr bilood oo si ba'an loogu dagaalamay.

Madaxa Xoogaga Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa shacabka Ruushka ugu hambalyeeyay in Bakhmut ay hadda ka caagan tahay Ciidamada Ukraine. Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya Calanka Ruushka oo ka babanaya saqafka sare guri ku burburay dagaalada.

Madaxweynaha Ukraine oo booqasho lama filaan ahayd ku tegay Magaalada Hiroshima ee dalka Japan ayaa Axaddii sheegay in ciidamadiisu ay weli ku sugan yihiin magaalada burburtay ee Bakhmut.

Shir jaraa'id oo uu qabtay maalintii ugu dambeysay ee Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G7 ku yeesheen magaaladaasi ayaa waxa uu Madaxweynuhu beeniyay in Ruushku uu si buuxdo ula wareegay magaaladaasi.

"Magaalada Bakhmut oo uu ka dhacay dagaalkii ugu muddada dheeraa, uguna dhiig daadashada badnaa, illaa hadda Ruushku ma qabsan." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa Bakhmut la barbar dhigay Magaalada Hiroshima, oo uu Mareykanku ku dhuftay bam atomic ah, dhamamadkii dagaalkii 2aad ee adduunka. Madaxweynaha ayaana ballanqaaday in dib u dhis ballaaran ay ku samayn doonaan Bakhmut, marka cadowga ku soo duulay dib looga riixo, sida uu yiri.

Zelenskyy oo uu wehliyo Raysal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida ayaa ubax dhigay Beerta Xusuusta Nabadda ee Hiroshima.

Yevgeny Prigozhin, Madaxa Xoogaga Wagner ayaa horaan sheegay in Bakhmut ay muhiim u tahay joogitaankooda bariga Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine ayaa la fahamsan yahay in dhaqaale xoog leh kaga baxay dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay Bakhmut oo ka tirsan Gobolka Donetsk, waana Donetsk oo ka mid ah afartii gobol ee Ruushku ku dhawaaqay in la qarameeyay.

Bakhmut ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeysay xudun u noqotay dagaalka culus ee labada dhinac ku dhex maraya dalkaasi. Baaxadda dagaalka ayaa ka garan kartaa burburka weyn ee ka muuqanaya magaaladaasi.