Malta oo ku dhawaaqday inay aqoonsaneyso Dowladda Falastiin

Malta ayaa noqoneysa dowladdiisii ugu dambeysay ee reer Yurub ee ku dhawaaqdo inay aqoonsaneyso Dowladda Falastiin, iyadoo laga jawaabayo ficilada bahalnimada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Malta, Robert Abela ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Malta ay bisha soo socota aqoonsan doonto Dowladnimada Falastiiniyiinta.
Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay shir ku saabsan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo uu ka waday Magaalada Mosta ayaa ballanqaaday in 45 sano oo dood ay socotay ka dib ay dowladdiisu si rasmi ah u aqoonsaneyso dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin, isagoona muujiyay in aqoonsigaasi ay ku dhawaaqi doonaan 20-ka bisha June.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay masuuliyad akhlaaqeed, isla-markaana ay ku biiri doonaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ee aqoonsan Falastiin.
“Indhaha kama qarsan karno masiibadan bani’aadantinimo ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareyso." Ayuu yiri Raysal Wasaare Robert Abela, isagoo walaac xoogan ka muujiyay duqaymaha aan kala sooca lahayn ee ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta reer Gaza.
Duqaymaha Israel ee Gaza ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 54 kun oo dad rayid ah, una badan dumar iyo carruur, iyadoo illaa 10 kun oo kalena oo la la'yahay ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, balse aan loo tixgelin in ay dhinteen.
Raysal Wasaare Abela ayaa sidoo kale sheegay in uu ka naxay weerarka xagga cirka ah ay Israel Jimcihii ku dishay sagaal carruur ah oo ay dhashay Dr. Alaa Al-Najjar, ka dib markii ciidamadeeda ay duqeeyeen gurigooda oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Weerarka ayaa waxaa si xun ugu dhaawacmay saygeedii iyo mid ka mid ah carruurtooda, oo ah kan keliya ee ka soo haray toban carruur ah oo ay isu dhalleen, waxayna dhacdadan noqotay mid kale oo dadku ay ka naxeen. Dr. Alaa Al-Najjar ayaa waqtiga ugu badan ee nolosheeda ku bixisay daryeelka carruurta xanuunsan.
Robert Abela, Raysal Wasaaraha Malta ayaa sheegay in dalkiisu uu go'aansaday in uu aqoonsado Dowladda Falastiin, isla-markaana uu kaga dhawaaqi doono shirka caalamiga ah ee ay ka wada shaqeynayaan Sacuudiga iyo Faransiiska ee 17-ka illaa 20-ka bisha June ka qabsoomi doona Magaalada New York.
Shirkan oo lagu qabanayo Xarunta Qaramada Midoobey ee New York ayaa lagu soo nooleynaya fekerka ah in la helo xalka laba dal oo deris ah, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda Israel iyo Falastiin.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa bishii April ku dhawaaqay in ay aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, iyagoo aaminsan inay gobolka u horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.
Madaxweyne Macron ayaa sheegay in si rasmi ah ay bisha June ugu dhawaaqi doonaan aqoonsigooda Falastiin.