Mareykanka oo ku dhawaaqay hub hor leh oo Ukraine la siinayo
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay kaalmo militari oo hor leh siineyso Ukraine, si ay isaga caabiso weerarada Ciidamada Ruushka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho laba maalmood qaadaneysa ku jooga Caasimadda Kyiv ayaa ku dhawaaqay kaalmo gaareysa hal bilyan oo dollar oo la siinayo dalkaasi.
Xoghayaha ayaa sheegay in gargaarka uu isugu jiro sideed boqol oo milyan oo dollar ($800M) oo taageero militari ah iyo mid bani'aadantinimo.
Waxa uu sheegay in kaalmada militari ay qayb ka tahay boqol shan iyo toddobaatan milyan oo dollar ($175M) oo hubka Mareykanku farsameeyo iyo boqol iyo labaatan milyan ($120M), oo ah taangiyada casriga ah ee M1 Abrams oo dalkaasi la gayn doono daba-yaaqada sanadkan.
Waxa kaloo uu sheegay in kaalmadani ay ku jiri doonto qalabka difaaca hawada, lidka taangiyada iyo weliba rasaas fara-badan.
Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay ka go'an tahay in ay sii waddo taageeradeeda militari ee Kyiv, si loo fashiliyo waxa uu ku sheegay gardarada Ruushka.
"Mareykanka waxaa ka go'an inuu Ukraine awood u siiyo in mustaqbalkeeda ay go'aan ka gaarto, dagaalka joogtada ah iyo duulaanka bahalnimada ah ee Putin." Ayuu yiri Xoghaye Blinken.
Blinken ayaa intaasi ku daray "Mareykanka iyo Ukraine waxay yeesheen iskaashi ka xoog badan sidii hore, maalin kastana sii koraya, waxaana sii wadaynaa garab istaagayaga Ukraine, maantana waxaan ku dhawaaqaynaa kaalmo cusub, oo wadarta guud ka badan hal bilyan oo dollar, tani oo qayb ka ah dadaalkeenna wadajirka ah."
Ruushka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Ukraine loogu qalabeynayo taangiyada Abrams, oo ah gaashaan ciidan oo aan bartilmaameedkiisu seegin.
Mareykanka ayaa bishii March sheegay inaanay Ukraine u diri doonin taangiyada M1 Abrams, haddase waxay bedeleen go'aankeedii hore, si Ukraine ay is bedel uga sameyso goobta dagaalka.
Ukraine ayaa muddo dheer codsaneysay taangiyadaasi, inkastoo Mareykanku uu si weyn uga cago jiidayay.
Mareykanku waa dalka kaalmada ugu badan ee militari siiya Ukraine.




