Mareykanka oo Ruushka ugu baaqay cusbooneysiinta heshiiska badarka ee Badda Madow

Dowladda Mareykanka ayaa Ruushka ka codsatay in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiska dibadda loogu dhoofiyo wax soosaarka beeraha Ukraine oo ka harsan laba cisho oo keliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku booriyay Ruushka inay kordhiyaan heshiiskan ay kula jiraan Ukraine, garwadeenkana ay ka yihiin Turkiga iyo Qaramada Midoobey, kaas oo ku eg Isniinta ina soo aaddan.

Xoghayaha ayaa Jimcihii sheegay, haddii aanay Moscow dib u cusbooneysiin heshiiskan ay cawaaqib xumo ka dhaxli doonaan dalalka gobolka iyo sicir barar hor leh oo ku yimaada qiimaha cunnada & cunno yari baahsan oo dunida soo food-saarta.

"Haddii Moscow ay raacdo khatarteeda, wadamada soo koraya oo uu ku jiro gobolka ayaa bixin doona qiimaha, oo ay ku jiraan macno ahaan qiimaha cunnada oo sarreya iyo sidoo kale cunno yari weyn." Ayuu yiri Antony Blinken oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jakarta, oo uu kaga qaybgalay wada hadalada Koonfur Bari Asia.

Diblomaasiyiin sarsare oo ka kala socda Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka ayaa ka mid ahaa xubmihii Magaalada Jakarta ee xarunta dalkaasi Indonesia kaga qaybgalay Madasha ASEAN.

Ruushka ayaan illaa iyo hadda go'aansan dib u cusbooneysiinta heshiiskaasi, sida uu sheegay Afhayeenka Aqalka Kremlinka Ruushka, Dmitry Peskov.

Ruushka ayaa horaan ku celceliyay inaanu faa'iido muuqan ku qabin heshiiskan, waana xilli ay sii kordhayaan cunaqabateynada ay ku soo rogayaan Reer Galbeedka, iyadoo Reer Galbeedku ay hadda u muuqaan kuwo ka cararaya qalalaase dhaqaale.

Blinken ayaa sheegay in Ruushku aanu muujinayn inuu doonayo in dhanka diblomaasiyadda lagu xaliyo duulaankiisa Ukraine.

Reer Galbeedka ayaa la fahamsan yahay in ay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ku cadaadinayaan inuu Madaxweyne Vladimir Putin ku qanciyo, sidii uu heshiiskaasi u sii shaqayn lahaa.

Ruushka iyo Ukraine ayaa 22-kii bishii July ee sanadkii hore ku heshiiyay in dibadda loo dhoofiyo qamadiga Ukraine ee ku xaniban Dekedda Odessa ee Badda Madow. Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa joojisay in dibadda loo iibgeeyo tacabka beeraha ee dalkaasi, inkastoo billo ka dib ay fasaxday.

Duulaanka Ruushka uu 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 uu ku qaaday dalkaasi ayaa dunida ka abuuray sicir barar baahsan, iyadoona dalal badan laga soo wariyay in sahayda cunnada ay gabaabsi ku sii tahay, gaar ahaan qamadiga iyo burka. Duulaankan ayaa horseeday qalqal dhaqaale oo laga dareemay suuqyada caalamiga, bacdamaa ay dalal fara-badan ku tiirsanaayeen Cunnada iyo wax soosaarka beeraha ee Ruushka iyo Ukraine.

Ukraine iyo Ruushka ayaa dibadda u iibgeeya boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo. Labadan dal ayaa ka hor duulaanka waxay sidoo kale ay dunida u dhoofin jireen waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha, oo dalal fara-badan ay ka faa'iideysan jireen.