Mareykanka oo Ukraine uga digay inay baalmarto go'aanka Ruushka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Dowladda Ukraine uga digay inay sii wado dhoofinta wax soosaarkeeda beeraha, iyadoo aan ogolaansho looga haysan Ruushka.
Ka dib markii Ruushku uu diiday in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiskii uu kula jiray Ukraine ee dibadda loogu iibgeynayay dalageeda beeraha, Ukraine ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dhoofinteedaasi. Heshiiska ayaa ku ekaa Isniintii, ka dib muddo sanad ah oo uu socday.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu warqado u diray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres soo jeedin ku saabsan, sidii loo sii wadi lahaa dhoofinta dalaga Ukraine.
Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay inaanay hadda suurtagal ahayn soo jeedintaasi, oo dhibaato ku keeni karta shaqaalaha iyo maraakiibta qamadiga ka daabulaya Dekedda Odessa ee Badda Madow.
"Annaga iyo Ukraine-ba waxaan eegi doonnaa fursadaha kale ee inoo furan, balse caqabadaha taagan ayaa ah, haddii Ruushku uu ka baxay heshiiskan, isla-markaana uu diidan yahay in sareenka iyo dalaga kale laga dhoofiyo Ukraine, waxaan filayaa in go'aankaas uu saamayn ba'an ku yeelan doono maraakiibta qaada dalaga, maadaama aan la ogayn waxa ku dhici kara iyaga iyo shaqaalahooda, haddiiba Ruushku uu diiday in dalagaasi laga dhoofiyo Ukraine." Ayuu yiri Blinken oo Warbaahinta kula hadlayay Caasimadda Washington.
Blinken ayaa sheegay in sareenka Ukraine uu lagama maarmaan u yahay dunida, haddana waxaa uu fahamsan yahay in maraakiibta dagaalka Ruushka ay ku hareereysan yihiin Dekedaha Ukraine ee dhaca Badda Madow, gaar ahaan dekedda koonfurta dalkaasi ku taala ee Odessa.
Blinken ayaa sheegaya in ay iska caddahay in diidmada Ruushka ay sicir barar baahsan ku keeni doonto suuqyada caalamiga.
Waxa uu xusay bilowgiiba duulaanka Ruushka ee Ukraine in ay caalamka ka abuurtay xiisad dhaqaale, tanina ay kaga sii dari doonto.
Afhayeenka Aqalka Kremlinka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushku uu heshiiska ku soo laaban doono, marka la fuliyo ballanqaadyadii ku aaddanaa fududeynta dhoofinta wax soosaarka beerahiisa iyo weliba maadooyinka bacriminta beeraha.
Heshiiskan oo socday 12-kii bilood ee ugu dambeysay ayaa Ukraine ka taageeray in ay si nabadgelyo leh dunida ugu dhoofiso tacabkeeda beeraha.
Qaramada Midoobey iyo Turkiga ayaa garwadeen ka ahaa heshiiskan oo dhinacyadu ay 22-kii bishii July ee sanadkii 2022 ku gaareen Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.


