Midowga Yurub oo aqbalay inay la wareegaan ammaanka Isgoyska Rafah ee Gaza
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo howlihii kormeerka ee Isgoyska Rafah oo ku yaala xadka uu Marinka Gaza la wadaago Masar.
Tani ayaa qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xabad joojintii 19-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in Wasiirada 27-ka dalka ee ururka ay isku raaceen in gacan laga gaysto sugidda amniga ee isgoyskaasi.
"Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo bilaabo howlihii kormeerka ururka ee Isgoyska Rafah, taasoo door muhiim ah ka qaadan karto taageeridda xabad joojinta." Ayay tiri Kaja Kallas oo gelinkii dambe ee Isniintii Warbaahinta kula hadashay Magaalada Brussels.
"Hawlgalka ayaa bilaaban doono bisha February." Ayay tiri Kaja Kallas oo intaa raacisay "Tani waxay u ogolaaneysaa dhaawacyada iyo dadka bukaanka ah in laga daadgureeyo Marinka Gaza, si ay u helaan daryeel caafimaad."
Midowga Yurub ayaa sanadkii 2005 hawlgal rayid ah ka sameeyay Isgoyska Rafah, waxaase la hakiyay laba sano ka dib, markii Ururka Xamaas uu la wareegay gacan ku haynta Marinka Gaza.
Dalalka ururka qaarkood ayaa hadda qorsheynaya in ay saraakiil u diraan halkaasi, iyagoo la hawlgalaya sideed shaqaale maxali ah.
Dalalka Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain ayaa sheegay inay soo diri doonaan saraakiil, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka lagu hubinayo dhaqdhaqaaqa xuduudda Rafah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ka jawaabayaan codsi kaga yimid Israel iyo Maamulka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay taageero buuxa ka heleen Dowladda Masar.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeedka koowaad uu yahay in la isku-duba rido, lana fududeeyo socodka maalinlaha ah ee dhaawacyada iyo bukaanada kale, hubinta gargaarka iyo ilaalinta dadka nugul ee xaaladda degdegga ah ay la soo dersaan. Illaa saddex boqol oo qof ayaa la doonayaa in si maalinle ah looga kaxeeyo Gaza, iyadoo markaasi la gaynayo dalka Masar, si dadka ay xaaladdoodu liidato halkaasi looga sii dhoofiyo.
Ciidamada Israel ayaa bishii May ee sanadkii 2024 la wareegay deegaanka Rafah oo ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, markaas oo Gaza ay ka go'doomiyeen dhinaca Masar, waana xuduuddii keliya ee dadka reer u furneyd.
Qabsashada Israel ee Rafah waxay ka dambeysay, ka dib markii hawlgal dhinaca dhulka ah ee ay ciidamadeeda ka bilaabeen bariga deegaanka Rafah, iyagoona hakiyay gargaarkii ka imanayay dhanka Masar ee Gaza ka soo gelayay Rafah.
Israel ayaa xilligaasi dhegaha ka fureysatay baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan dagaalka ku fidin Rafah, maadaama ay hay'adaha caalamiga ah u tixgelinayeen aag bani'aadantinimo, isla-markaana ay gabaadsanayeen 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.