Midowga Yurub oo Israel ku eedeeyay inay awood dheeri ah u adeegsaneyso dagaalka Gaza

Midowga Yurub ayaa Israel ku eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsaneyso hawlgalkeeda militari ee Gaza, oo ay ku dhimanayaan dad fara-badan oo shacab ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in weerarada xagga cirka ah Israel ee Gaza ay dhaafsiisan yihiin, waxa lagama maarmaanka u ah in lala dagaalamo Ururka Xamaas.

Waxay sheegtay in Israel ay ka gudubtay heerka lagu sifeyn karo in ay ciidamadeeda dagaal kula jiraan ururka hubeysan ee reer Falastiin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, Ciidamada Israel ayaa dilay 54,084 qof, halka 123,308 kalena ay dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa sheegtay in afar kun oo qof oo keliya la dilay, wixii ka dambeeyay 18-kii bishii March, markaas oo Israel ay jebisay xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.

Dhanka kale Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uusan taageersaneyn qaabka cusub ee Israel dooneyso in gargaar qaybinta looga sameeyo gudaha Gaza.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa sameysay NGO ay u xulatay keenista gargaarka iyo inay ka qaybiyaan gudaha Gaza, iyadoona ay horey uga horyimaadeen Qaramada Midoobey iyo dalal uu Shiinaha ka mid yahay.

Hay'addan oo lagu magacaabo Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ayaa ka duwan Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada, marka aad eegto kalsoonida lagu qabi karo madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeynaynin mabaadi'da aasaasiga u ah hay'adaha bani'aadantinimada.

Kaja Kallas ayaa Israel ku dhaliishay in ay hortaagan tahay in kaalmada bani'aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan ee ku nool Marinka Gaza.

Haweeneydan ayaa carabka ku adkeysay in Midowga Yurub uusan taageeri doonin qaabka cusub ay Israel riixeyso in gargaarka looga qaybiyo Gaza.

"Ma taageerayno in si gaar ah loo wareejiyo qaybinta gargaarka bani'aadantinimo. Gargaarka bani'aadantinimo hub ahaan looma adeegsan karo." Ayay tiri Kaja Kallas.

Midowga Yurub ayaa wuxuu ka mid yahay deeqbixiyeyaasha gargaarka ugu badan siiya dadka reer Gaza, haddana haweeneydan ayaa sheegtay inaysan awoodin in gargaarkooda uu gaaro dadka gaajada ugu dhimanaya dhulka go'doonsan.

"Gargaarka ugu badan ee Gaza waxaa bixiya Midowga Yurub, haddana lama gaarsiin karo, maadaama ay Israel xanibtay." Ayay tiri Kaja Kallas.

Kaja Kallas ayaa walaac ka muujisay in iyadoo gargaarka la heli karo, asbaabta ay Israel ku diidan tahay in uu gaaro shacabka gaajeysan.

"Dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah waa mid aan la sii wadi karin." Ayay Kaja Kallas ku xoojisay hadalkeeda.

Hadalkeeda ayaa yimid, maalin uun ka dib, markii Raysal Wasaaraha cusub ee Jarmalka, Friedrich Merz uu sheegay inaanu fahmi karin ujeedooyinka ay Israel u go'doomineyso Gaza.

Mr. Merz ayaa sheegay in qaabka ay Israel ula dhaqmeyso dadka rayidka ah aan qiil loogu heli karin inuu yahay dagaal ka dhan ah buu yiri argagixisada Xamaas.

Jarmalka waa dalka ugu weyn Midowga Yurub ee taageera Israel, waxaana hadalka hoggaamiyahooda cusub uu muujinaya inaanay intaan ka dib reer galbeedku ka sii aamusnaan karin dembiyada dagaal ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.