Midowga Yurub oo Ruushka ku eedeeyay inuu dunida ka abuurayo dhibaato kaloo weyn

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa walaac ka muujiyay tallaabada uu Ruushku ku go'doominayo Dekedaha Ukraine ee dhaca Badda Madow.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay go'aanka uu Ruushku ku diiday inuu cusbooneysiiyo heshiiskii ay Ukraine ku dhoofineysay badarkeeda in ay mar kale kaga sii dari doonto sahayda cunno yarida ee dunida ka jirta, ee markii hore ka dhalatay duulaankiisii dalkaasi.
"Ruushka oo ka baxay heshiiska badarka Badda Madow ayaa abuuri doonto dhibaato kale oo cunno oo weyn." Ayuu yiri Josep Borrell.
Waxa kaloo uu yiri "Waxaan horey u sii ogayn in tani ay abuuri doonto dhibaato kale oo cunno oo adduunka oo dhan ah."
Borrell ayaa yiri "Weerarada cirka ee baaxadda leh ee lagu qaaday Dekedda Odessa iyo kaabeyaasha ayaa sababaya khasaare rayid ah iyo burbur soo gaaraya xarumaha muhiimka ah ee lagu kaydiyo badarka."
"Ruushka ayaa ka masuul ah dhibaatada ugu weyn ee cunnada adduunka." Ayuu sii raaciyay Borrell.
Borrell ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda Ukraine iyo sidii looga hortaggi lahaa cunno yarida caalamiga, ee sida uu yiri uu Ruushku sababay.
Saraakiisha Ukraine ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu bartilmaameedsanayo xarumaha kaabeyaasha iyo bakhaarada, iyaga oo ujeedadoodu tahay in la burburiyo sahayda cuntada ee dalkaasi uu dhoofiyo.
Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada uu Ruushku ku go'doomiyay dekedihiisa, isagoona ku eedeeyay mid halis u horseedaya dunida.
"Ruushku waxa uu si bareer ah u beegsanaya goobaha rayidka, sida guryaha iyo dekedaha. Ruushku waxaa uu gantaalo la dhacay Dekedda Odessa, waxaana burburay qaybta laga dhoofiyo dalaga iyo cunnada kale ay Ukraine dhoofiso. Weerarada ceynkaasi ah saamayntooda kuma koobno dalkeenna oo waxa ay dhibaato ku yihiin xasilloonida caalamka." Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.


